Maamulka Dhuusamareeb iyo dadweyne kale oo ka qeyb galay dayactirka waddooyin muhiim ah

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka qayb galey olole bulshadu hormuud ka tahay oo jaay lagu saarayo mid kamid ah wadooyinka hal-bowlaha u ah isku socodka xaafada Dayax ee Dhuusamareeb, gaar ahaan jidka loo yaqaan wadada bohol.

Howshan oo dadka xaafada dayax ay iskusoo duba-rideen ayuu maamulku kaalin ka geysanayaa socodsiinteeda, waxaana jidkan lagu bilaabey ballaarin iyo in la saaro jaay saamaxi doona in iskusocodka gaadiidka iyo dadwaynuhuba noqdo mid hagaagsan maadaama jidkani hore u ahaa mid burbursan.

Cabdisamad Salaad Aadan, gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qaban qaabada howshan oo ay bulshadu laheyd maamulku ka qaadanayo dowrka kaga aadan ee ah in howshani u fusho si qurux badan.

Dadka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ayaa bilihii u dambeeyay iskutashi bulsho ku dhistay dhowr wado oo jaay lasaarey kuwaa oo lacagaha ku baxay ay bixiyeen bulshada xaafadaha, maamulka iyo dad khurba-joog ah.