Argagixisada oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay gobolka Bakool

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar aaan deegaanada Yeed,Aato,iyo Washaaqo.

Dulaankan oo Argagixisada soo abaabulen ayaa waxaa si weyn uga hortagay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee deganadaas ku sugan, balse argagixisada ayaa inta uu dagaalka socday shacabka degaanadaas ku nool oo la ildarnaa kolkii hore Abaaro halkaas ka jira ay madaafiic ku  garaaceen taas oo sababtay Khasaaro Badan.

“ Dagaalka saameyn badan ayuu geystay,Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay labo askari oo ciidankeenna ah,dad shacab ah oo dhowr iyo toban ahna waa ay ku dhaawacmeen, dhankoodana khasaaro culus baa gaaray,” ayuu yiri Guddoomiye Duwane.

Guddoomiayaha ayaa sheegay in inta dagaalka socday argagixisadii soo weerartay ay qaar kale oo badan ay u gudbeen dhanka itoobiya,taas soo sababtay dagaalo culus  in ay dhexmaraan ciidamada Liyuu Boolis iyo argagixisadii halkaas gaartay.