Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay madaxda hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaasi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jocleyn Mason oo ah Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socday isla  hay’addaas.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay taageerada hay’addu siinayso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Aqalka Sare iyo in ay gacan ka gaystaan dhammaystirka dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan la qaatay madaxa hay’adda usaid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID)  Danjire Samantha Power.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan. Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Booqashada ay dalkeenna ku soo gaartay Marwo Samantha Power ayaa sii xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Soomaaliya oo shirka xalka waara ee u-adkaysiga abaaraha iyo Aafooyinka uga qeyb gashay Adis-ababa

Muqdisho.(Wargeyska Dalka):- Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya uga qeyb galay kulan looga hadlayay Xalka Waara ee U-adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka ee dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka IGAD.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu soconayay muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay dowladdaha Xubnaha ka ah maamul goboleedka IGAD, iyadoo diirada lagu saaray joogtaynta xalka waara ee u-adkaysiga abaaraha iyo Aafooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa ka warbixiyey Xaalada Abaaraha dalka iyo saamaynta ay ku yeesheen dhammaan bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan sida ba’an ay u saamaysay dadka, xoola dhaqatada iyo sugnaanta cuntadda ee dalka.

Wasiiirka ayaa ku tilmaamay abaarta ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid aad u daran,islamarkaanaa abaarahan kusoo noq-noqday Soomaliya sannadihii la soo dhaafay in ay abuureen u nuglaansho joogto ah ee abaarta iyo aafooyinba kale oo ay weheliso cunto-yaraan, caqabado dhaqaale oo baahsan, barakac, iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadanimo, gaar ahaan bulshooyinka reer miyiga ee xoolo dhaqatada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto xaaladaha cakiran ee iminka ka jira Soomaaliya loolana yimaado istiraatijiyado iyo qaabab cusub oo horumarineed, wuxuuna ku booriyay IGAD siyaasado iyo barnaamijyo ka tarjumaya baahiyaha balaaran ee xoolaha sida daaqa, biyaha, caafimaadka xoolaha, wax-soo-saarka xoolaha iyo sare u qaadista nolosha bulshada xoolaha dhaqatada iyo dadweyanaha kale ee reer miyiga ah.

Ciidamada Israa’iil oo Daanta Galbeed ku dilay laba Falastiin ah

Labo qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen xaafadda Al-Yasmina ee magaalada Qadiimiga ah ee Nablus, waxayna halkaasi ku dileen Muhamad Azizi, oo 25 jir ah iyo Abdul Rahman Jamal Suleiman Sobh, oo 28 jir ah.

Sida laga soo xigtay Ururka Bisha Cas ee Falastiin, ugu yaraan 12 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada Israa’ii;,waxaana dadka la dhaawacay ku jira hal ruux oo ay culus tahay xaaladdiisa caafimaad.

Naser Estitya, oo 60 jir ah,isla markaana derid la ah qoysas la weeraray ayaa sheegay in uu maqlay rasaas ka dhacaysa gudaha dhismo ay si qasab ah ku galeen ciidamada Israa’iil.

 

Dowladda federaalka oo deeq gargaar ah gaarsiisay shacabka gobolka Bakool.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gurmad u dirtay gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay dhawaan weerar argagixiso ka geysteen kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka gargaarka raashiinka iyo daawada loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay.

Shacabka ku nool gobolka Bakool ayaa xilligan ka cabayanaya abaaro saameyn ku yeeshay kumanaan qoys oo ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool islamarkaana gobolladaas ay ka jireen isbedello dhinaca nolosha ah, waxaana u sii dheer dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarkii argagixisada ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la soo afjaray

Muqdisho.(Wargeyska Dalka):- Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa war ka soo saaray dagaalkii u dhexeeyeey argagixisada Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Liyuu booliska, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaalkaas uu ka socday deegaano ka tirsan gobolka Afdheer oo dhaca xudduud Beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Gobolka Bakool.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta dowladda deegaanka gobolka Soomaalida itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ku soo qaaday aaga “Aato”.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ee weererka ku tagtay halkaas ayaa ujeedkooda waxa uu ahaa in ay galaan deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan degmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaarin halkii ay u socdeen sida qoraalka lagu sheegay ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Howlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay sida war saxafadedkaan lagu sheegay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ee BFS oo maanta kullankoodii koowaad yeeshay

Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee Baarlamaanka 11aad, waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajandaha kulanku wuxuu ahaa qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare kalfadhiyada koowaad iyo labaad.
Sidoo kale Guddiga joogtada wuxuu dood ka yeeshay habka loo wajahayo Hindise-Sharciyeeydyada ay soo ansixiyeen soona gudbiyeen Golaha Shacabka Baarlamaankii 10aad ee la soo dhaafay balse aan wali la horkeenin Aqalka Sare BFS.
          

Wasiirka Ganacsiga oo shir guddoomiyay Shir looga arrinsanayay Waxqabadka Wasaaradda iyo Caqabadaha jira

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta guddoomiyey shirkii Wasaaradda oo loogga hadlay shaqooyinka horyaala, waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira, iyo weli ba sidoo kale muhiimadda ku biiritaanka Soomaaliya ee dallada bulshada bariga Afrika ay u lee dahay ganacsiga iyo maal-gaashiga inta ba. Waxa kale oo kulanka diiradda lagu saaray dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed maadaama ay Soomaaliya isu diyaarinayso siddii ay uga faa’idaysan lahayd suuqyada ganacsi ee Gobalka, Afrika iyo Caalamka sida EAC, AfCFTA, COMESA iyo WTO.

Kulanka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Burhaan Iimaan Axmed, Maareeye ku xigeenka Mudane Caydaruus Macalin, Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda inta ba.
   

Guddiga Kheyraadka Qaranka ee golaa Aqalka sare oo oo warbixin guud ka dhageystay guddoomiyaa Batroolka Soomaaliya

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo xubno kale oo la socday.

Guddiga ayaa warbibixin  guud oo ku saabsan batroolka dalka ka dhageystay guddoomaha iyo xubniii kale ee la socday.

Qaraxyo ruxay Dekadda Muhiimka ah ee Ukraine

Qaraxyo ayaa ruxay dekedda muhiimka ah ee Ukraine maalin uun ka dib markii Kyiv iyo Moscow ay gaareen heshiis taariikhi ah oo ogolaanaya in dib loo bilaabo dhoofinta badarka sida hadhuudhka.

Taliska ciidamada Ukraine ee koonfurta ayaa sheegay in labo gantaal oo Kalibr ah ay ku dhaceen magaalada dekedda leh ee Odesa , halka labo kalena ay soo rideen nidaamka difaaca cirka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ukraine oo la yirahdo Oleksiy Honcharenko, ayaa ku qoray Telegram in dekadda magaalada uu dab qabsaday weerarka kadib.

Sida ku cad heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dal, Ruushku wuxuu ogolaaday in aan la bartilmaameedsan dekedaha inta shixnadaha hadhuudhka ah ay ku sii socdaan.

Qaramada Midoobay ayaa heshiiskaa ku tilmaantay “iftiin rajo” ka dib colaadda dalkaas oo barakac, dhimasha iyo burbur hantiyeed geysatay.