Soomaaliya oo shirka xalka waara ee u-adkaysiga abaaraha iyo Aafooyinka uga qeyb gashay Adis-ababa

Muqdisho.(Wargeyska Dalka):- Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya uga qeyb galay kulan looga hadlayay Xalka Waara ee U-adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka ee dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka IGAD.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu soconayay muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay dowladdaha Xubnaha ka ah maamul goboleedka IGAD, iyadoo diirada lagu saaray joogtaynta xalka waara ee u-adkaysiga abaaraha iyo Aafooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa ka warbixiyey Xaalada Abaaraha dalka iyo saamaynta ay ku yeesheen dhammaan bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan sida ba’an ay u saamaysay dadka, xoola dhaqatada iyo sugnaanta cuntadda ee dalka.

Wasiiirka ayaa ku tilmaamay abaarta ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid aad u daran,islamarkaanaa abaarahan kusoo noq-noqday Soomaliya sannadihii la soo dhaafay in ay abuureen u nuglaansho joogto ah ee abaarta iyo aafooyinba kale oo ay weheliso cunto-yaraan, caqabado dhaqaale oo baahsan, barakac, iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadanimo, gaar ahaan bulshooyinka reer miyiga ee xoolo dhaqatada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto xaaladaha cakiran ee iminka ka jira Soomaaliya loolana yimaado istiraatijiyado iyo qaabab cusub oo horumarineed, wuxuuna ku booriyay IGAD siyaasado iyo barnaamijyo ka tarjumaya baahiyaha balaaran ee xoolaha sida daaqa, biyaha, caafimaadka xoolaha, wax-soo-saarka xoolaha iyo sare u qaadista nolosha bulshada xoolaha dhaqatada iyo dadweyanaha kale ee reer miyiga ah.