Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ee BFS oo maanta kullankoodii koowaad yeeshay

Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee Baarlamaanka 11aad, waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajandaha kulanku wuxuu ahaa qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare kalfadhiyada koowaad iyo labaad.
Sidoo kale Guddiga joogtada wuxuu dood ka yeeshay habka loo wajahayo Hindise-Sharciyeeydyada ay soo ansixiyeen soona gudbiyeen Golaha Shacabka Baarlamaankii 10aad ee la soo dhaafay balse aan wali la horkeenin Aqalka Sare BFS.