Weerarkii argagixisada ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la soo afjaray

Muqdisho.(Wargeyska Dalka):- Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa war ka soo saaray dagaalkii u dhexeeyeey argagixisada Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Liyuu booliska, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaalkaas uu ka socday deegaano ka tirsan gobolka Afdheer oo dhaca xudduud Beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Gobolka Bakool.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta dowladda deegaanka gobolka Soomaalida itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ku soo qaaday aaga “Aato”.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ee weererka ku tagtay halkaas ayaa ujeedkooda waxa uu ahaa in ay galaan deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan degmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaarin halkii ay u socdeen sida qoraalka lagu sheegay ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Howlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay sida war saxafadedkaan lagu sheegay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.