Wasiirka Ganacsiga oo shir guddoomiyay Shir looga arrinsanayay Waxqabadka Wasaaradda iyo Caqabadaha jira

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta guddoomiyey shirkii Wasaaradda oo loogga hadlay shaqooyinka horyaala, waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira, iyo weli ba sidoo kale muhiimadda ku biiritaanka Soomaaliya ee dallada bulshada bariga Afrika ay u lee dahay ganacsiga iyo maal-gaashiga inta ba. Waxa kale oo kulanka diiradda lagu saaray dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed maadaama ay Soomaaliya isu diyaarinayso siddii ay uga faa’idaysan lahayd suuqyada ganacsi ee Gobalka, Afrika iyo Caalamka sida EAC, AfCFTA, COMESA iyo WTO.

Kulanka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Burhaan Iimaan Axmed, Maareeye ku xigeenka Mudane Caydaruus Macalin, Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda inta ba.