Dowladda federaalka oo deeq gargaar ah gaarsiisay shacabka gobolka Bakool.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gurmad u dirtay gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay dhawaan weerar argagixiso ka geysteen kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka gargaarka raashiinka iyo daawada loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay.

Shacabka ku nool gobolka Bakool ayaa xilligan ka cabayanaya abaaro saameyn ku yeeshay kumanaan qoys oo ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool islamarkaana gobolladaas ay ka jireen isbedello dhinaca nolosha ah, waxaana u sii dheer dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.