MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA MASAR

Qaahira- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

    

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay culamaa’udiinka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

   

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO SHAHAADO SHARAF GUDDOONSIIYAY SHIRKADDA SOMPRINT

Kulan loogu mahad celinaayay laguna gudoon siinaayey shahaado sharaf Shirkadda Somprint ayaa lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka warfaafinta, agaasimaha guud, agaasimaha Waaxda Wargaysyada iyo mas’uul kale.

Wasiirka Warfaafinta ayaa guddoonsiiyey shahaado sharaf Shirkadda Somprint waxa uuna ku ammaanay doorka weyn ay ka qaateen hawlaha qaran ee oo uu Wargeyska Dalku u hayo Bulsha weynta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Wargeyska Dalku uu yahay Wargeyska ugu weyn ee dalka ka soo baxa goob kastana laga heli karo sida diyaarada, xafiisyada, garoomada iyo goobo badan oo dalka ah, fariinta uu xambarsan yahayna uu yahay mid ka duwan fariimaha ku qoran baraha bulshada ama warbaahinnada kale ka baxada.

Shirkadda Somprit ayaa muddo lix sano ah waxa ay si dhow ula shaqeyneysay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska gaar ahaan Waaxda Wargeyska Dalka oo ay kala shaqeyneysay daabacadda Wargeyska oo maalinta Isniinta soo baxa.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cusmaan Abokor Dubbe ayaa uga mahad celiyey Shirkadda Somprint sida hagar la’aanta ah ay ula shaqeysay Wasaaradda Warfaafinta sidoo kalena ay qeyb weyn uga qaadato dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Abdi Barre ayaa kulamo la yeeshay ururrada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada.
Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Golaha Shacabka uga mahadceliyey muddo-siinta Dhismaha Golaha Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.
“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu ku xusay Ra’iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.
—DHAMMAAD—-

Golaha shacabka BJFS oo u ogalaaday Ra’iIsul wasaarah in muddo 10 cisho ah loogu daro soo dhisidda Golaha Wasiirada

.Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre  usoo gudbiyay Gudddoonka Golaha Shacabka kaa uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada,waxaana haa ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliy shalay ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen inay isku raaceen in muddo 10-cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha  Wasiirada

    

Mileteriga Mayanmar oo dilay 4 kamid ah kooxaha isbadal doonka ah

Dowladda militariga Myanmar ayaa dil toogasho ah ku fulisay afar qof oo u ololeeya dimoqraadiyada,isla markaana ka horjeeday afgambiga mileteri ee ka dhacay dalkaasi,sanadkii 2021-kii .

Afarta nin ayaa la toogtay kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen abaabulka falal argagixisanimo, sida uu sheegay wargeyska Global New Light ee ka soo baxa dalka Myanmar.

Dilka raggaan oo kala ah Hla Myo Aung , Aung Thura Zaw, Phyo Zeya Thaw iyo Kyaw Min Yu ,waxa uu sababay cambaareyn iyo caro ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah.

Maxkamad ciidan ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay xukun dil ah ku ridday raggaasi,ka dib markii lagu eedeeyay inay gacan siiyeen maleeshiyaad si ay ula dagaallamaan ciidamada mileteriga ee talada dalka la wareegay bishii Febraayo 2021-kii ,kaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing.

Xukunka dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ciqaab dil ah laga fuliyo dalka Koonfur-bari Aasiya muddo tobanaan sano ah oo ka soo wareegatay 1980-kii.

Xubnaha la dilay waxaa ku jira nin horay uga tirsabaa baarlamaanka dalkaasi iyo fannaan caan ah.

Ciidamada Amniga oo howlgal dhallinyaro lagu soo qabtay ka sameeyay degmada Karaan

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay maalmihi ugu dambeysay ay shacbku ka cabanayeen ciyaal weero dhibaata xoogga ku hayay.

Howlgalka inta uu socday ayaa lagu soo qabtay ciyaal weero iyo qalab isugu jira Mindiyo Baankado iyo Agab kale, kuwaas oo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan

Afhayeenka ciidanka Boliska Soomaaliyed Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadalay  ayaa sheega in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 74-dhalinyaro ciyaal weero ah iyo in kabadan 50-Mindiyo Casri ah oo horay dalka aan loogu arag kuwaasi oo lagu dili jiray dadka,laguna dhici jiray

Afhayeenka aya dhanka kale ugu baaqay Waalidiinta dhalay ciyaal weerada ee dhibka xooggan ku hayo shacabka in ay cishtaan,ciidii howlgalada Booliska lagu soo qabatana Sharciga la’la tiigsan doono oo wax mar marsiya ah aan laga yeeli dooni

  

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY MADAXWEYNIHII 5-AAD EE DALKA

Qaahira- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Gollaha Shacabka oo yeelan doona kulan weyne uu codsaday qabsoomiddiisa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa la isugu yeeray Kulan weyne ay yeelan doonaan barito, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Gollaha Shacabka.

Qoraalka ayaa u qornaa sida tan:- Beri oo isniin ah, taariikhdu tahay 25 July waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka. Ajendaha kulanka Codsi ka yimid Xafiiska R/Wasaaraha XFS.

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa

Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo