Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Abdi Barre ayaa kulamo la yeeshay ururrada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada.
Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta dalka.