Ciidamada Amniga oo howlgal dhallinyaro lagu soo qabtay ka sameeyay degmada Karaan

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay maalmihi ugu dambeysay ay shacbku ka cabanayeen ciyaal weero dhibaata xoogga ku hayay.

Howlgalka inta uu socday ayaa lagu soo qabtay ciyaal weero iyo qalab isugu jira Mindiyo Baankado iyo Agab kale, kuwaas oo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan

Afhayeenka ciidanka Boliska Soomaaliyed Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadalay  ayaa sheega in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 74-dhalinyaro ciyaal weero ah iyo in kabadan 50-Mindiyo Casri ah oo horay dalka aan loogu arag kuwaasi oo lagu dili jiray dadka,laguna dhici jiray

Afhayeenka aya dhanka kale ugu baaqay Waalidiinta dhalay ciyaal weerada ee dhibka xooggan ku hayo shacabka in ay cishtaan,ciidii howlgalada Booliska lagu soo qabatana Sharciga la’la tiigsan doono oo wax mar marsiya ah aan laga yeeli dooni