NIMCO WALIBA NUSQAANTEEDA LEH (ROOBABKA XAGAAGA)

 

Inkastoo uu barwaaqo Eebbe inagu galadaystay oo inaanu uga mahad celino mooyee aan tabasho  iyo tawaawac toona inaga mudnayn haddana roobka Muqdisho sida joogtada ah uga da’ayaahi wuxuu gaadhay heerkii ay reer guuraaga Soomaaliyeed ku tiraabi jireen”Allow ararka iyo awra daaqeenka”, wadaadaduna ay odhaah diimeedkii nuxurkeedu ahaa” Allahayow hareereheenna ka yeel oo dusheena ka leexi” ku Alle baryi jireen.

Habeen iyo dharaar waxaa si aan kala go’ lahayn magaala madaxda dalka iyo banderada kale oo koofurta dhaca, xeebtaha bad weynta Hindiyana ku teedsan uga hooraya roobka la yidhaahdo”xagaayaha” oo ay dadweynuhu ku diirsadeen, kulaylkii kal dambeedka iyo xanfarkii dabeyshana uga nasteen, hayeeshee waa tii lagu maahmaahi jiray” nimco waliba nusqaanteeda lehe” dhibicda aan kala joogsiga lahayn iyo dhoolka cirka ku qamaamudani waxay yeesheen saamayn taban.

Saameyntaasi waxay isugu jirtaa tu nolosha bulshada taabatay iyo mid bilicda deegaanka muuq doorisay oo rasnaan iyo rasi qaab-daran  u keentay fiyaalaha iyo faras magaalaha caasimadda, waxaanay kararta roobka  iyo karaarka gufaacadu  dad badan oo danyar ah u gaysteen waxyeello baaxad leh, maxaa yeelay buushashka ay ku noolyihiini darroorta iyo daadadka way ka celin waayeen, baadkii ay cuni lahaayeenna kansho ay ku raadsadaan way waayeen.

Hooyooyin subax kasta kallihi jiray si ay carruurtoodu waxay dhuunyadaan magaalada uga soo dhiciyaan oo dhar-dhaqista, xaaqidda goobaha ganacsiga, wareejinta sanbuuska, karinta shaaha iyo wixii la mid ah ka shaqaysan jiray oo nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray ayaa guryihii iyo cooshadihii ay degganaayeen ka soo bixi waayay  oo  dhanaanada dhibicda xagaayaha u dhibane noqday.

Sidoo kale ganacsata yar yar oo waratada loo yaqaan, wadayaasha gaadiidka, cabitaan layaasha, iyo haweenka hareeraha wadada caanaha ku iibiya ayaa qadyaan iyo caalwaa  taagan ka dib markii ay okorashada roobka guryaha ugu xayirmeen,mariddii jidadkana dhiiqada  iyo dhul-rif kaga go’een.

Taasi waa runta oo aanu  dhammaanteen marqaatiga iyo madal-joogga u nahay oo war iyo wicaalli inaguma seegana in dacda jiifta iyo daadadka godadka ka jeexday dartood wadooyinka magaalada intooda badan looga caagay oo aanu dad iyo gaadiidba surumo yar yar oo cariiri badan isku buurrano si aanu  isweydaariyeyaasha(suuqyada)  waaweyn iyo goobaha kaloo aan danta ka leenahay u gaadhno.

Waxaan kaloo  xog ahaan uga dheregsannahay, foog kastana indheheena oo shan ah ku aragnaa in lo’da iyo dameeraha magaalada ku dhex gafrani ay ayaguna saalada iyo dhiriqda ku biirinaya biya galshaanta ah ee laamiyada ceegaaga taasoo indhaha dadweynaha dhibaysa, faya-qabka uurka hoosena halis galinaysa.

Bullaacado buux dhaafay oo karkaarada jabsaday, qashin ay daadadku soo xaaqeen oo waddooyinka dhex karooran, iyo haadaamo ay biyuhu qodeen oo kaylo afka xaabo ka saarantahay noqday  ayaa bilicdii magaalada basar xumo u rogay, bed-qabkii bulshadana  waxyeello isha baarkeeda u soo jirta  u keenay.

Haddaba furdaaminta dhibaatadan yaa  u xil-qaba ma dowladda hoose?, tan dhexe, ma bulshadoo dhan qof walba iyo karaankiis?, mase cid kaloo wax hagaajinta doonta ayaa soo socata oo la sugayaa?

War-celintaad weydiimahan u hayso ku labayso tan aan anaguna biyo kama dhibcaanka u arkay oo ah:

1) Waa tii la yidhi “dad tashaday cir waa toli karaan taago labadeede” dadka magaalada iyo guud ahaanba  Soomaalidu waa inay u guntadaan sidii qolo waliba ay xaafaddooda iyo jidadka ay maraan u hagaagsan lahaayeen, qof walba iyo qoys kastoo  meel deganina ay si hagar la’aan ah isugu xil-qaamaan inay intii karaankooda ah wax ka qabtaan.

2) Maamulka gobolka iyo dowladda dhexe waa inay la yimaadaan tabo iyo xeelado lagu maarayn karo biyaha xilli roobaad kasta wadooyin halbowlaha ah fariista iyo bulcaadaha magaalada dhex qulqulaya oo urkooda iyo arag xumadooda loo adkaysan la’yahay, ayna qaataan kaalin hugaamineed oo ay bulshada ku abaabulayaan si wax looga qabto dhibaatooyinkii aanu sare ku soo tibaaxnay.

3) Lo’da iyo Dareemaha waa in loo sameeyaa seerayaal lagu xareeyo oo laga qabto magaaladan ay dhex wareegayaan, dadka lihina ay ceshadaan si saaladooda iyo suurad-xumayntooda looga nabad-galo.

WQ. Liibaan Axmad Xirsi

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay madaxa kooxda agaasimayaasha arrimaha deg-degga ah

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxa Kooxda Agaasimayaasha Arrimaha Degdega ah ( Emergency Directors Group) Marwo. Ghada Eltahir Mudawi.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta howlaha gurmadka abaaraha, waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay madax sare oo kala socotay hay’addaha UNDP, FAO, UNHCR, WVI, WFP, ICV, iyo OCHA oo ay hoggaamineysay Marwo Ghada Mudawi oo ah madaxa howlagallada OCHA.

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixin ka siiyay wafdiga howlaha xafiiskiisa iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay fududeynta iyo iskububbaridka howlaha Gurmadka Abaaraha, isaga oo ugu danbeyn uga mahadceliyay wafdiga booqashada iyo tegitaanka goobaha sida gaarka ah abaauhu u samaayeen taas oo sare u qaadeysa wacyiga bulshadeena Soomaaliyed iyo Beesha Caalamka.

Marwo Ghada, oo hormuud u ahayd wafdigaan ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha Gurmadka Abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan , waxa ay sidoo kale aad uga deyrisay xaaladda dadkii ay kusoo aragtay qaar ka mid ah deegaanadii ay kormeerka ku tagtay.

Ugu danbeyn, Ergeyga iyo wafdiga ayaa isla gartay in wax badan ay qabsoomeen iyagoo dhanka kale isku raacay in baahida weli taagan darteed la joogteeyo dedaallada Gurmadka Abaaraha ee iskugu jira U-qareemidda, fududeyntam iskudubbaridka iyo gaarsiinta gargaarka guud ahaan meelaha ay abaauhu ka jiraan.

Caalamka ayaa si isku mid ah cambaareeyeyxukun dil ah oo ay dowladda Militariga Myanmar ku fulisay dad u ololeeynayay Dimuqraadiyadda

Dowladdaha Yurub iyo Aasiya, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa si adag u cambaareeyay xukun dil ah oo taliska militariga Myanmar ku fuliyeen afar qof oo u ololeeya dimoqraadiyadda,war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Yurub, Australia, Canada, Japan, New Zealand, Norway, South Korea, UK iyo US ay waxay ku tilmaameen xukunka dilka ah mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga.

“Daldalaadda militariga Myanmar ay kula kaceen dadka uu ololeeya dimoqraadiyadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka waa ficillo ku tusinaysa ixtiraam la’aanta taliska ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wadamada Yurub iyo Aasiya waxay sidoo kale ku booriyeen nidaamka militariga inay sii daayaan dhammaan kuwa ku jira xabsiga.

“Waxaan ku taageereynaa dadka Myanmar hammigooda xorriyadda iyo dimoqraadiyadda waxaanan ugu baaqeynaa taliska inuu joojiyo dacdiyada ka dhanka ah dadka lana ixtiraamo rabitaanka dadka, oo uu soo celiyo waddadii dalka ee dimuqraadiyadda,” ayaa lagu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee New Zealand, Nanaia Mahuta, ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyey dilka afar qof oo ay ku jiraan dadka u ololeeya dimoqraadiyadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Myanmar.

“Tani waxay ahayd fal waxashnimo ah oo ay geysteen taliska militariga Myanmar,New Zealand waxay cambaaraynaysaa falalkan nuucaan oo kale ah”.

Isniintii ayaa taliska milatariga ee Myanmar waxaa u dhawaaqay in dil toogasho ah ay ku fuliyeen  afar qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin sarsare.

Ra’iisulwasaare Xamsa oo soo bandhigay waxyaabaha ay mihiimadda siineyso xukuumaddiisa

Ra’iisulwasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay inay xukuumaddiisu xoogga saari doonto waxyaabaha sida dhabta ah u taabanaya muwaaddinka Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa qodobka koobaad ee ay diiradda saarayaan ku sheegay deggenaansho siyaasadeed si loo helo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna xusay inay ka shaqayn doonaan in meesha laga saaro kala aragti duwanaanshaha madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ” Si loo helo madax isku kalsoon, waxaan u baahannahay siyaasad deggan, kalsoonina ka dhex abuurta madaxda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, taasina waa mudnaan-teenna koowaad.”

Ra’iisulwasaaraha ayaa qodobka labaad ee ay xoogga saari doonaan ku sheegay sugidda amniga, isagoo xusay inaan tallaabo loo qaadi karin xagga horumarka hadduusan amni jirin loona baahan yahay in cid kasta oo bulshada ka mid ihi ay ka qayb qaadato.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Xoghahaya Jaamacadda Carabta, xaaladda dalka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Alshaabaab, isagoo tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato Ururkan oo xubin muhiim ah ay ka tahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka arrinsaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin lahaayeen gacanta ay ka geysanayaan howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabtu ay garab-taagan tahay qorsheyaasha dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ugu hambalyeey dib u doorashada iyo hiigsigiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis ah.

Ciidamada Puntland oo gacta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanyeen Argagixisada

Ciidamada kala duwan ee  dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Howlgalladan oo ka dhacay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ayaa lagu burburiyay fariisimo uu keyd badan u yiillay Al-shabaab.

Howlgalada ayaa ah kuwa weli ka socda Buuraleyda Gobolka Bari, iyadoo ay Ciidamadu sii baacsanayaan kooxihii halkaasi ka baxsaday ee Argagixisada Al-shabaab.

Magaalada Caabudwaaq oo lagu qisaasay gacan ku dhiiglihii dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug

Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle.

Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta,Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday gacan ku dhiigle Dhagadheere kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashii  Xaawo Cumar Geelle.

Marxuumka dilka lagu fuliyey ayaa hore uga tirsanaa qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Masar, Jeneraal Maxamed Axmed Zaki, waxayna ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga laba wasaaradood.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa Masar uga mahadceliyay tageerada iyo walaalnimada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada dowladood.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta Socdaalka

Madaxweyne ku xigeen Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa maanta dhagax dhigeen dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga Xarunta Laanta 2aad ayaa sheegay muhiimadda ay u leedahay hirgelinta dhismahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda gaar ahaan Laanta 2aad ee Hay’adda oo u adeegta deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda adeegyada ay ka bixiso deegaanada Jubbaland isagoo sidoo kalane ku tilmaamay dhismaha xaruntaan in ay muhiimad gaar ah u leedahay in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xaruntan ayaa u adeegi doonta muwaadiniinta iyo dadka ajinabiga ah ee ku nool Jubaland iyo deegaanada ku dhow ee baahida u qaba adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka maadama Jubaland ay xuduud aad u dheer la wadaagto dalalka dariska ah, waxaana dhismaha xaruntaan oo ka kobnaan doonta labo dabaq iyo goobihi kale ee adeega dadweynaha la qorsheeyay in la soo gebagabeeyo dhamaadka Sanadkan,

Ugu dambeyn, waxaa Agaasimaha Guud ee HSJ dhagax dhigeeda ku wehlnayey K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mdne, Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo Lataliyaha sare ee HSJ Mdne, Mahad Cabdi iyo Madaxda iyo Saraakiisha Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.