Caalamka ayaa si isku mid ah cambaareeyeyxukun dil ah oo ay dowladda Militariga Myanmar ku fulisay dad u ololeeynayay Dimuqraadiyadda

Dowladdaha Yurub iyo Aasiya, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa si adag u cambaareeyay xukun dil ah oo taliska militariga Myanmar ku fuliyeen afar qof oo u ololeeya dimoqraadiyadda,war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Yurub, Australia, Canada, Japan, New Zealand, Norway, South Korea, UK iyo US ay waxay ku tilmaameen xukunka dilka ah mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga.

“Daldalaadda militariga Myanmar ay kula kaceen dadka uu ololeeya dimoqraadiyadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka waa ficillo ku tusinaysa ixtiraam la’aanta taliska ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wadamada Yurub iyo Aasiya waxay sidoo kale ku booriyeen nidaamka militariga inay sii daayaan dhammaan kuwa ku jira xabsiga.

“Waxaan ku taageereynaa dadka Myanmar hammigooda xorriyadda iyo dimoqraadiyadda waxaanan ugu baaqeynaa taliska inuu joojiyo dacdiyada ka dhanka ah dadka lana ixtiraamo rabitaanka dadka, oo uu soo celiyo waddadii dalka ee dimuqraadiyadda,” ayaa lagu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee New Zealand, Nanaia Mahuta, ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyey dilka afar qof oo ay ku jiraan dadka u ololeeya dimoqraadiyadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Myanmar.

“Tani waxay ahayd fal waxashnimo ah oo ay geysteen taliska militariga Myanmar,New Zealand waxay cambaaraynaysaa falalkan nuucaan oo kale ah”.

Isniintii ayaa taliska milatariga ee Myanmar waxaa u dhawaaqay in dil toogasho ah ay ku fuliyeen  afar qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin sarsare.