Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.