Magaalada Caabudwaaq oo lagu qisaasay gacan ku dhiiglihii dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug

Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle.

Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta,Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday gacan ku dhiigle Dhagadheere kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashii  Xaawo Cumar Geelle.

Marxuumka dilka lagu fuliyey ayaa hore uga tirsanaa qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.