Ra’iisulwasaare Xamsa oo soo bandhigay waxyaabaha ay mihiimadda siineyso xukuumaddiisa

Ra’iisulwasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay inay xukuumaddiisu xoogga saari doonto waxyaabaha sida dhabta ah u taabanaya muwaaddinka Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa qodobka koobaad ee ay diiradda saarayaan ku sheegay deggenaansho siyaasadeed si loo helo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna xusay inay ka shaqayn doonaan in meesha laga saaro kala aragti duwanaanshaha madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ” Si loo helo madax isku kalsoon, waxaan u baahannahay siyaasad deggan, kalsoonina ka dhex abuurta madaxda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, taasina waa mudnaan-teenna koowaad.”

Ra’iisulwasaaraha ayaa qodobka labaad ee ay xoogga saari doonaan ku sheegay sugidda amniga, isagoo xusay inaan tallaabo loo qaadi karin xagga horumarka hadduusan amni jirin loona baahan yahay in cid kasta oo bulshada ka mid ihi ay ka qayb qaadato.