Ciidamada Amniga oo bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in argagixisada meel looga soo wada jeesto.

Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in argagixisadu aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee aragagixisadu ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliyeed

Dhulgariir khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay waqooyiga Filibiin

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay, 60 kalena waaxaa soo gaaray dhaawacyo, kadib, dhulgariir xooggan oo ka dhacay waqooyiga Filibiin, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dhulgariirkan ayaa ku dhuftay gobolka buuraleyda ah jasiiradda ugu weyn dalka uguna dadka badan, kaas oo sababay dhul go’yo yar yar iyo burburka guryo badan.

Cabirka Dhulgariirkan ayaa lagu sheegay 7.1, waana kii ugu xoogganaa ee ka dhaca Filibiin muddo sannado ah.

Deegaanada Abra, Strawberry iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Benguet, ayaa ugu daran meelaha uu ku dhuftay dhulgariirka.

Shaqaalaha samofalka ayaa wada gurmad lagu samata bixinayo dadka ku jira dhismooyinka burburay.

JAWIGA XAMAR XIILIGA HABEENKII

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, daal iyo dibin-daabyo daran dabadeed, deganaansho ayaa ka jirta, waxaa furan ganacsiga iyo goobaha lagu caweeyo, waxaa jiro neecaaw udgoon badan taasi oo ka soo babaneysa (Haawanaysa) badweynta Hindiya ee kaabiga ku haysa degmooyinka Xamarweyne, Cabdicasiis, Karaan, Dharkinley iyo Waabari.

Marka aad taagantahay Halbowlaha waddada Maka Al-mukarama waxaa ay indhahaadu qabanayaan saaxiibo isku hilooway, lamaanayaal soo hasaawa tagay, qoysas sita caruurtooda oo dhamaantood ku lugeynaaya wadada.

Abbaaro maqrib ah, Qoraxduna ay sii liiceyso ayaan u anbabaxay dhankaa iyo Degmada Waabari ee gobolka Banaadir aniga oo ka soo socdaalay degmada dariska la ah ee Hodan. Intaan dhabaha ku soo jiray waxaan la kulmay Aasha Aadan iyo Sayigeeda Geedi Nuur.

Geedi iyo Aasha waxaa ay ii sheegeen In ay dhawaan ka soo noqdeen Caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo ay deganaayeen in ku dhaw 20 sano.

Geedi Nuur waxaa uu qirsanyahay in Muqdisho maanta ay la tartamayso caasimadaha aduunka, waxaana uu qiray in dhismayaasha ku teetsan hareeraha laamiga, hotelada sida casriga loo dhisay, maqaayadaha iyo garoomada kubadda ee caasimada ay ka qayb qaadanayaan adeegyada casriga ee ay shacabka la dhacsanyihiin.

“Xilliyada habeenkii waxaan mararka qaar soo aadnaa magaalka aniga iyo Marwadeyda iyo Ilmahayga. Waxaan Tusaa sida ay u qurux badantahay Casimadda, Waxaan kala baraa dhismayaasha qadiimiga inta aan ka gaaro.” ayuu yiri Geedi Nuur.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in haatan uu gu’aansaday in noolashiisa inta ka harsan uu ku noolaado dalkiisa hooyo.

Sidoo kale waxaan la kulmay Arday xilli habeen ah barnaamij ku samaysanaayay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Ardaydaas oo dhigta Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha ayaa isheegay in ay halkaa u joogaan hawa-badalasho. Waxay ii sheegeen in maalinkii ay ku mashquulsanyihiin casharada haatanse ay u dheertahay neecow iyo cimilo ka duwan tan maalinkii.

Dhanka kale saaxiibo kale duwan ayaa xiliga fiidkii u soo daawasha tago hirarka badda, iyaga oo sidii muusikada u dhagaysta guuxa badda. Dhagahaadu maqabanayaan waxaan ka ahayn shanqarta aad mooddo gu’gaca roobka ee Guga, qosolka dhalinyarada ku caweynaysa qararka badda.

Jawiga noocaas ayaa kaa dhigaaya mid badala fikirkii aad ka haysatay Muqdishada qaraxyada, dilalka iyo dhaca laga soo tabiyo waxaadna moodeysaa inaad daawanayso halka lagu soo jilo aflaamta.

WQ: Mohamed Ibrahim Salad.

Riyaad iyo Athens oo kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah

Dowladaha Sacuudiga iyo Giriiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo amniga ku saabsan.

Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen Xukuumadaha Riyaad iyo Athens ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Qodobada ugu waaweyn ee la kala saxiixday ayaa waxaa ka mid ah heshiis ku qotama dhanka ciidamada ah oo u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale heshiis kale oo la xiriira la dagaalanka dambiyada kala duwan.

Sidokale kale waxaa heshiisyada qeeyb ka ah iskaashi ay laba Xukuumadood ka yeelanayaan dhinaca dhaqaalaha, iyadoo la dhiirigelinayo maalgashiga sis are looga qaado dhaqaalaha labada dal.

Heshiisyadan ay wada saxiixdeen labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah iskaashi dhinaca caafimaadka ah iyo mid ku saabsan Sayniska iyo Farsamada Cusub.

Heshiisyadan ayaa yimid kadib markii dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Giriiga, isagoo ka horna safar kale ku tagay dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Magacaabay Wasiiro

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaacabay wasiiro iyo ku xigeeno iyadoo la isku badalay Wasaaradaha qaar si loo dardar galiyo shaqada loo hayo bulshada.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabay laba Wasiir iyo laba Wasiir kuxigeen, kuwaas oo kala ah.

1: Cabdiraxman Cabdi Axmed Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

2: Axmed Xasan Cumar Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka.
1: Faarax Mukhtaar Daa’uud Wasiir ku-xgeenka Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah.

Maxamed Cusmaan Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka

HAB-DHAQANKII RASUULKA (NNKH) MAXAAD KA TAQAAN?

 

Nabi Maxamad naxariis iyo nabad galiyo tushiisa ha ahaatee, waxaa uu ahaa mid habdhaqankiisu aad u wanaagsanaa, waxaa uu lahaa sifa kasta oo wanaagsan, Alle ayaa ku tilmaamay kitaabkiisa in nabi Maxamad (NNKH) uu aqlaaq wanaagsan lahaa.

Sifooyinkiisa mucjisaadka ah waxaa kamid ahaa,

-Inuu furfurnaa: nabigeena suuban ma ahayn mid qalbi adag oo dadka aan u damqan laakiin waxaa uu ahaa mid qalbi jilicsan oo dadka u naxariista, nabigeena NNKH dadka danyarta ah iskama waynay siin jirin, iskabadaaye markii la soo diray dadkii diinta qaatay ee ugu horeeyay waxaa ugu badnaa dadka danyarta ah iyo kuwa qabaa’ilka yaryar ka soo jeeday, nabigeenna dadka siwanaagsan ayuu ula hadli jiray marka uu la hadlaayo.

-Waa uu hadal macaanaa: nabigeenna NNKH mucjisaadka Alle uu siiyay waxaa kamid ahaa inuu hadal macaanaa, taasna waxaa tusaale u ah sida uu ku kasban jiray asxaabtiisa iyo sida cadowgiisa uu ula hadlijiray, waxaa dhicijirtay qof xanaaqsan inuu u yimaado kadibna marka uu nabiga hadalkiisa maqlo dagijiray, xiligiisii waxaa u imaan jirtay dad aan islaam ahayn oo nabiga u caraysan kadibna markay hadalkiisa maqlaan diinta Islaamka ayay soo gali jireen.

Masaajidka nabiga ayaa maalin waxaa soo galay nin reer baadiye ah oo aan wali baran hab-dhaqanka diinta Islaamka, kadibna Kaadi ayaa qabatay waxaa uuna bilaabay inuu ku kaadiyo masaajika dhexdiisa kadibna waxaa ku soo yaacay asxaabtii nabiga, rasuulka ayaa ku yiri asxaabtiisii ka leexda, markii uu dhamastay kaadidii ayuu rasuulku amray baaldi biyo ah korka looga shubo si loo daahiriyo Meesha.

Ninkii reer baadiyaha ahaa oo ku farxay naxariista nabiga iyo hadal wanaaggiisa ayaa yiri Ilaahow aniga iyo Maxamad un janada nagali, qisadaan waxaa inooga soo baxaysa naxariista iyo hadal-wanaagga nabigeenna Maxamad NNKH.

Haddaba, anaga haddii aan muslimiinnahay waxaa na la gudboon kudayshada rasuulka iyo inaan hadal wanaagsan dadka ku la hadalno dhaqankii rasuulkana aan la nimaano.

Hab-dhaqankii wanaagsanaa ee rasuulka iyo sifaadkiisii halkaan laguma soo koobi karo, kaliya sidii uu dadka ugu naxariisan jiray haddaan maagno bug inaan ka qorno waa way ka badanaysaa.

Sidaasi darteed, aan ku dayano rasuulka, ku dayashadiisa ayay noogu jirtaa guusheena aduun iyo tan aaqiro, Allena waxaa uu lee yahay ku dayasho wanaagsan ayaa rasuulka idiin kuugu sugnaatay.

W/D Muuse Cabdinuur Maxamuud.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo oo kula la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulammo iyo wadatashi la sameynaya qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa  Caawa kulmay ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay doorkooda ku aaddan kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, amniga iyo dowlad dhisidda.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federala Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wada wadatashiyo oo la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada taas oo ku aadan sidii looga talagalin lahaa dhismaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

               

8 TALOOYIN OO KAA CAAWINAYA INAAD GAARTO YOOLALKAAGA

 

Qof kasta oo inaga mid ah Alle (SWT) waxa uu siiyay afar iyo labaatan saacadood (24hrs) maalintii. si kastaba ha ahaatee balse waxa farqiga ugu weyn samaynaya waa sida aad uga fa’iideysato waqtigaaga oo Alle si siman uu ugu manneestay Aadanaha.

Sidaas daraadeed waxaan idinla wadaagayaa 10 talo oo kaa caawin karto inaad si fudud ku gaarto yoolalkaada nololeed (life time goals)

1-Isticmaal Xeerka “Qabo Hal Mar” (one touch)

Xeerka “Qabo hal mar” wuxuu farayaa in aad dhamaystirto hawl ama mashruuc kaste oo aad ku bilawdid niyad kuna dhammaysid si niya ah, halkii aad bilaabi lahayd hawl oo aad uga tagi lahayd iyadoon dhameystirmin oo qabyo ah taaso kugu keeni karta niyad jab iyo wahsi kuuna horseeda guul darro nololeed. Haddii aad awoodo inaad ballan ku qaado inaad raacdo Xeerkan waxaa meesha ka saaraysaa dib u dhigista howlahaaga iyo mashaariicdaada.

2-Qor liiskaaga waxa aad qabaneysid (To-do list)

Qoritaanka hawlaha aad u baahan tahay inaad qabatid ama dhameystirkooda waa hab aad u fiican oo kaa caawinaya xussusinta hawlaha kuu yaal kaana dhigaayo qof habeysan oo u diyaar ah shaqo.

Marka liiska wax-qabadkaagu uu kuugu jiro kaliya maskaxdaada oo aysan kuu qorneyn hawshaas waa adagtahay inaad ka sal gaarto waayo waa iloobi kartaa, laakiin marka liiska wax-qabadka uu kuu qoranyahay waxay kuu noqoneysaa qorshe hawleed diyaar ah (action Plan).

3-Deji Yoolal Yar-yar (Set Small Goals)

Dejinta yoolal yar-yar waxay si weyn uga ka qeyb qaadan kartaa inaad si sahlan ku xaqiijiso yoolkaagii weynaa ee aad rabtay inaad gaarto waayo hawl kaste oo isbiirsato waxey keentaa natijo weyn, taana waxay kor u qaadaysaa wax-soosaarkaaga iyo kalsoonidaada.

4-Horay u sii qorsheey (Plan your work ahead)

Ka hor intaadan ka bixin shaqada maalintaas, horay u sii qorshey oo sii qor liiskaaga shaqo ee maalinta xigta.

Sii qorshaynta shaqada maalinta xigta waxay kuu ogolaanaysaa inaad maskaxdaada u sii diyaariso shaqada maalinta xigta, waxayna sidoo kale awood kuu siinaysaa inaad si sax ah u dhex gasho liiskaaga shaqo marka maalinta shaqadu bilaabato oo aad si sahlan isku hagto.

5-Jooji inaad qabato howlo badan halmar (Stop Multitasking)

Mar kasta oo aad u kala qaybiso dareenkaaga hawlo badan, wax soo saarkaaga iyo tayada shaqadaada ayaa hoos u dhacaysa waxaana hubaal ah inay hoos u dhac ku timaado shaqadaada.

Halkii aad hawlo badan hal mar qaban laheed, sii  dareenkaaga iyo waqtigaaga oo dhan hal hawl  si buuxdana u dhammaystir kadibna  u gudub hoosha xigta ee kuu taal.

6-Ku Bilow Hawsha kuugu  Adag (Eat the Frog first)

Haddii aad awooddo inaad si degdeg ah u dhammaystirto hawshaada ugu adag, Kadib waxaad awoodi doontaa inaad sii wadato maalintaada adigoo og in hooshii kuugu adkeyd aad meel saartay oo aad iska marisay. Qabashada hawsha ugu adag marka hore ee liiskaaga wax-qabad  waa hab wax ku ool ah oo kor u qaada kalsoonidaada taaso aad ku noqon karto qof wax-soosaar leh.

7-Yareey Carqaladaha (Avoid Distraction)

Haddii aad rabto in aad noqoto qof wax-soosaar leh, waxaa lama huraan ah in aad meesha ka saarto waxyaabaha kaa carqaladeyn karo howlahaaga sida: teleefoonka, booqashada aan qorsheysneyn, baraha bulshada iyo daawashada filimada iyadoo hawl kuu taal.

8-U deji waqti xaddidan (Set a deadline)

Howl kasta oo aad qabanyso waa inaad u xaddidaa waqti go’an oo aad hawshaas ku qabato, hadii kale hawshaas marwalba dib u dhac ayaa ku imaan doono. Waqti aad u xaddido howlahaaga waxey kor u qaadi kartaa wax-soosaarkaaga iyo inaad yeelatid go’aan adag.

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, nabadda, dib-u-heshiisiinta dalka iyo la dagaalanka fikirka  xagjirnimada ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, si tallooyin kooda loogu kaabo dhismaha dowladnimada, ayuu ku ammaanay Mudane Xamse , haweenka Soomaaliyeed, sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

 

        

Warbixin: Safarrada Xoojinta Xiriirka Caalamka ee Soomaali Heshiis la ah Dunida

May 15, 2022 ayey aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kusoo baxay doorasho loollankeedu uu aad u adkaa oo ka dhacday  Teendhada Afsiyoone ee magaalada Muqdisho,waxaana doorashadaas ku tartamay in ka badan 30 musharrax oo ay ku jireen madaxweynayaal hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii 9-aad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo isagu xilka horay ugu  wareejiyey sannadkii 2017-kii.

May,31,2022,oo ah 15 cisho kadib markii uu xilka la wareegay  ayuu safarkiisii ugu horeeyey ugu amba baxay magaalada Baydhabo oo xarun ku-meel-gaar ah u ah maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ee Koonfur-galbeed ayaa waxa uu ku qotomay dhab-u-heshiisiinta bulshada ku dhaqan degaannada maamulkaas iyo xallinta khilaafaadka dalka kajira, taas oo muujinaysa sida ay madaxweynaha uga go’antahay hirglinta iyo ka dhabeynta ajendaha Soomaali heshiis ah oo uu madaxweynuhu kusoo Ololeeyey,madaxweynaha ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee Koonfur-galbeed si uu ugala tashado dadaaladiisa ku aaddan sidii loo nabadeyn lahaa bulshada koonfur-galbeed.

June-2-2022,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Dhuusamareeb usii gudbay halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor),Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb u tagay si uu uga miro-dhaliyo ajandihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah kaas oo asaas u ah hirgelinta dhab u hesheesiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan dalka.

 June-19-2022, Ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u amba baxay safarkiisii ugu horeeyey oo dibadda ah isagoo u duulay dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo si maqaam sare ah loogu soo dhaweeyey,safarkaas oo qaatay Afar-cisho ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal fududeynta dal ku galka Muwadiniinta Soomaaliyeed UAE,sidoo kalena la isaga kaashan lahaa ganacsi u dhaxeeya labada dowladood,maadaama uu dalkaas saldhig u yahay ganacsato badan oo soomaaliyeed.

Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka,madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

July-3-2022, Waxa uu madaxweynaha dalku booqasho rasmi ah ugu socdaalay dalka Turkey, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas,madaxweynaha ayaaa inta uu ku sugnaa halkaas waxa uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta dalkaasi aan walaalaha nahay ee Turkiga,Madaxwaynayaasha labada dal Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadda hadalay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal, kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, caafimaadka iyo waxbarashada.

Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan,dhankale waxaa u madaxweynah intii u ku sugnaa dalka Turkiga uu kulan la qaadtay  jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan, isagoo kala hadlay xaladdooda nololeed ee halkaas ka jirta,Ujeedka safarka madaxweynaha ee dalka Turkey ayaa waxa ugu muhiimsanaa sidii loo sii dardargelin lahaa xiriirka walaalnimo ee labada dal.

July-9-2022, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u amba baxay safar aad loo hadal hayey oo uu ku tahay dalka Eretria halkaa oo ay ku sugnaayeen ciidamo Soomaaliyeed oo halkaa u joogay tababbar.Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa safarkaas u galay sidii uu war uga keeni laha ciidamadii Soomaaliyeed ee halkaa tababarka loogu qaaday kuwaas oo aan war iyo wacaal midna aan laga heyn,Xasan Sheekh ayaa dhaxda u xirtay sidii uu usoo ogaan lahaa xogta askartaas oo ay waalidiintoodii ka walwalsanaayeen xaaladooda,madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa halkaas waxa uu lasoo kulmay askartii Soomaaliyeed ee halkaa ku sugnaa.

Sidoo kale,Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa Eretria, iyaga oo wada saxiixday heshiis is af-garad ah, kaasi oo ku qotoma dhinacyada, Adkaynta xiriirka labada Dowladood ee dhinacyada, Siyaasadda,diblomaasiyad,Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha, amniga ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta iskaashiga, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir dalalka Geeska Afrika.

July 15, 2022, dalka Kenya oo Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah ayaa madaxweyne Xasan -safar ku tagay isaga oo ka shaqeynaya sidii uu usoo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahmiyad gaar ah siinaya danta shacabka Soomaaliyeed ee lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, ayaa dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta la xiriira dhinacyda horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Safarka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa waxa uu aha mid muhiim ah isla markaana wax badan ka bedelay xiriirka ganacsi ee labada dal,safarka madaxweynaha ee Kenya ayaa kamida safarro uu gobolka ku marayo kuwas oo uu ujeedkoodu yahay wanaajinta xiriirka soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka deriskeeda ah.

July 16,2022, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho rasmi ugu baxay dalka aan jaarka iyo walaalaha nahay ee Djibouti.

Madaxweynaha ayaa dowladda Djibouti waxa uu kala hadlay sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya iyo Djibouti ay xiriirkooda walaalnimada kuu saleysan ay sii laba jibaaraan oo ay dano badan iskaga xiranyihiin.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa isku af-gartay adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka, xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

July-21- 2022, Dalka Tanzania ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaray booqasho rasmi ah isaga oo ka qeybgalayey shirka dowladaha ku mideysan daladda bulshada bariga Africa{EAC}, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa aaminsan in Soomaaliya ay muhiim u tahay kamid noqoshada daladdaas xilli uu 2016-kii codsi ku aaddan ku biirirtaanka Soomaaliya ee daladdaas uu horay u gudbiyey.

July 25, 2022, Madaxweyne JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Masar oo ay Soomaaliya wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo taariikhi ah.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar, ayaa waxa uu tilmaamay inay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadiisu ay saldhig u noqon doonto iskaashiga wax wada qabsi ee ay wadaagaan labada shacab.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Safarrada uu madaxweynuhu ku kala bixinayo dalalka deriska iyo guud ahaan kuwa geeska ayaa waxa uu uga gol-leeyahay inuu hagaajiyo xiriirka Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda dibadda.

Madaxweyne Xasan oo wada ka miro dhalinta oraahdiisi aheyd “Soomaali heshiis ah Dunidana heshiis la ah”, ayaa safarradiisa dhammaantood waxa uu kala soo noqday guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay Dowladda Soomaaliyeed u aayi doonto Mustaqbalka.