Riyaad iyo Athens oo kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah

Dowladaha Sacuudiga iyo Giriiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo amniga ku saabsan.

Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen Xukuumadaha Riyaad iyo Athens ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Qodobada ugu waaweyn ee la kala saxiixday ayaa waxaa ka mid ah heshiis ku qotama dhanka ciidamada ah oo u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale heshiis kale oo la xiriira la dagaalanka dambiyada kala duwan.

Sidokale kale waxaa heshiisyada qeeyb ka ah iskaashi ay laba Xukuumadood ka yeelanayaan dhinaca dhaqaalaha, iyadoo la dhiirigelinayo maalgashiga sis are looga qaado dhaqaalaha labada dal.

Heshiisyadan ay wada saxiixdeen labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah iskaashi dhinaca caafimaadka ah iyo mid ku saabsan Sayniska iyo Farsamada Cusub.

Heshiisyadan ayaa yimid kadib markii dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Giriiga, isagoo ka horna safar kale ku tagay dalka Faransiiska.