JAWIGA XAMAR XIILIGA HABEENKII

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, daal iyo dibin-daabyo daran dabadeed, deganaansho ayaa ka jirta, waxaa furan ganacsiga iyo goobaha lagu caweeyo, waxaa jiro neecaaw udgoon badan taasi oo ka soo babaneysa (Haawanaysa) badweynta Hindiya ee kaabiga ku haysa degmooyinka Xamarweyne, Cabdicasiis, Karaan, Dharkinley iyo Waabari.

Marka aad taagantahay Halbowlaha waddada Maka Al-mukarama waxaa ay indhahaadu qabanayaan saaxiibo isku hilooway, lamaanayaal soo hasaawa tagay, qoysas sita caruurtooda oo dhamaantood ku lugeynaaya wadada.

Abbaaro maqrib ah, Qoraxduna ay sii liiceyso ayaan u anbabaxay dhankaa iyo Degmada Waabari ee gobolka Banaadir aniga oo ka soo socdaalay degmada dariska la ah ee Hodan. Intaan dhabaha ku soo jiray waxaan la kulmay Aasha Aadan iyo Sayigeeda Geedi Nuur.

Geedi iyo Aasha waxaa ay ii sheegeen In ay dhawaan ka soo noqdeen Caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo ay deganaayeen in ku dhaw 20 sano.

Geedi Nuur waxaa uu qirsanyahay in Muqdisho maanta ay la tartamayso caasimadaha aduunka, waxaana uu qiray in dhismayaasha ku teetsan hareeraha laamiga, hotelada sida casriga loo dhisay, maqaayadaha iyo garoomada kubadda ee caasimada ay ka qayb qaadanayaan adeegyada casriga ee ay shacabka la dhacsanyihiin.

“Xilliyada habeenkii waxaan mararka qaar soo aadnaa magaalka aniga iyo Marwadeyda iyo Ilmahayga. Waxaan Tusaa sida ay u qurux badantahay Casimadda, Waxaan kala baraa dhismayaasha qadiimiga inta aan ka gaaro.” ayuu yiri Geedi Nuur.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in haatan uu gu’aansaday in noolashiisa inta ka harsan uu ku noolaado dalkiisa hooyo.

Sidoo kale waxaan la kulmay Arday xilli habeen ah barnaamij ku samaysanaayay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Ardaydaas oo dhigta Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha ayaa isheegay in ay halkaa u joogaan hawa-badalasho. Waxay ii sheegeen in maalinkii ay ku mashquulsanyihiin casharada haatanse ay u dheertahay neecow iyo cimilo ka duwan tan maalinkii.

Dhanka kale saaxiibo kale duwan ayaa xiliga fiidkii u soo daawasha tago hirarka badda, iyaga oo sidii muusikada u dhagaysta guuxa badda. Dhagahaadu maqabanayaan waxaan ka ahayn shanqarta aad mooddo gu’gaca roobka ee Guga, qosolka dhalinyarada ku caweynaysa qararka badda.

Jawiga noocaas ayaa kaa dhigaaya mid badala fikirkii aad ka haysatay Muqdishada qaraxyada, dilalka iyo dhaca laga soo tabiyo waxaadna moodeysaa inaad daawanayso halka lagu soo jilo aflaamta.

WQ: Mohamed Ibrahim Salad.