Ciidamada Amniga oo bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in argagixisada meel looga soo wada jeesto.

Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in argagixisadu aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee aragagixisadu ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliyeed