HAB-DHAQANKII RASUULKA (NNKH) MAXAAD KA TAQAAN?

 

Nabi Maxamad naxariis iyo nabad galiyo tushiisa ha ahaatee, waxaa uu ahaa mid habdhaqankiisu aad u wanaagsanaa, waxaa uu lahaa sifa kasta oo wanaagsan, Alle ayaa ku tilmaamay kitaabkiisa in nabi Maxamad (NNKH) uu aqlaaq wanaagsan lahaa.

Sifooyinkiisa mucjisaadka ah waxaa kamid ahaa,

-Inuu furfurnaa: nabigeena suuban ma ahayn mid qalbi adag oo dadka aan u damqan laakiin waxaa uu ahaa mid qalbi jilicsan oo dadka u naxariista, nabigeena NNKH dadka danyarta ah iskama waynay siin jirin, iskabadaaye markii la soo diray dadkii diinta qaatay ee ugu horeeyay waxaa ugu badnaa dadka danyarta ah iyo kuwa qabaa’ilka yaryar ka soo jeeday, nabigeenna dadka siwanaagsan ayuu ula hadli jiray marka uu la hadlaayo.

-Waa uu hadal macaanaa: nabigeenna NNKH mucjisaadka Alle uu siiyay waxaa kamid ahaa inuu hadal macaanaa, taasna waxaa tusaale u ah sida uu ku kasban jiray asxaabtiisa iyo sida cadowgiisa uu ula hadlijiray, waxaa dhicijirtay qof xanaaqsan inuu u yimaado kadibna marka uu nabiga hadalkiisa maqlo dagijiray, xiligiisii waxaa u imaan jirtay dad aan islaam ahayn oo nabiga u caraysan kadibna markay hadalkiisa maqlaan diinta Islaamka ayay soo gali jireen.

Masaajidka nabiga ayaa maalin waxaa soo galay nin reer baadiye ah oo aan wali baran hab-dhaqanka diinta Islaamka, kadibna Kaadi ayaa qabatay waxaa uuna bilaabay inuu ku kaadiyo masaajika dhexdiisa kadibna waxaa ku soo yaacay asxaabtii nabiga, rasuulka ayaa ku yiri asxaabtiisii ka leexda, markii uu dhamastay kaadidii ayuu rasuulku amray baaldi biyo ah korka looga shubo si loo daahiriyo Meesha.

Ninkii reer baadiyaha ahaa oo ku farxay naxariista nabiga iyo hadal wanaaggiisa ayaa yiri Ilaahow aniga iyo Maxamad un janada nagali, qisadaan waxaa inooga soo baxaysa naxariista iyo hadal-wanaagga nabigeenna Maxamad NNKH.

Haddaba, anaga haddii aan muslimiinnahay waxaa na la gudboon kudayshada rasuulka iyo inaan hadal wanaagsan dadka ku la hadalno dhaqankii rasuulkana aan la nimaano.

Hab-dhaqankii wanaagsanaa ee rasuulka iyo sifaadkiisii halkaan laguma soo koobi karo, kaliya sidii uu dadka ugu naxariisan jiray haddaan maagno bug inaan ka qorno waa way ka badanaysaa.

Sidaasi darteed, aan ku dayano rasuulka, ku dayashadiisa ayay noogu jirtaa guusheena aduun iyo tan aaqiro, Allena waxaa uu lee yahay ku dayasho wanaagsan ayaa rasuulka idiin kuugu sugnaatay.

W/D Muuse Cabdinuur Maxamuud.