Dhulgariir khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay waqooyiga Filibiin

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay, 60 kalena waaxaa soo gaaray dhaawacyo, kadib, dhulgariir xooggan oo ka dhacay waqooyiga Filibiin, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dhulgariirkan ayaa ku dhuftay gobolka buuraleyda ah jasiiradda ugu weyn dalka uguna dadka badan, kaas oo sababay dhul go’yo yar yar iyo burburka guryo badan.

Cabirka Dhulgariirkan ayaa lagu sheegay 7.1, waana kii ugu xoogganaa ee ka dhaca Filibiin muddo sannado ah.

Deegaanada Abra, Strawberry iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Benguet, ayaa ugu daran meelaha uu ku dhuftay dhulgariirka.

Shaqaalaha samofalka ayaa wada gurmad lagu samata bixinayo dadka ku jira dhismooyinka burburay.