Taliye Xijaar oo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallada ciidan ee lagu xaqiijinayo amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal kutalagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka kale ee dalka.

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa daraadeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux .

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xusay in lagu guuleystay la dagaalanka  muqaaadaraadka,wuxuuna dhinaca kale codsaday in shacabka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmooyinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga

Xafiiska Gurmadka Degdegga ee R/wasaaraha oo codsatay in loo gurmado dadka la ildaran abaaraha

Maammulka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xaruntiisa Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Degdegg ah ,ayaa soo bandhigay xog ururin ku saabsan baaris qoto dheer oo 10-kii bilood ee u danbeeyay lagu sameeay saamaynta abaaruhu ay ku yeesheen dadka iyo duunyadaba.

Xafiiska  oo kaashanaysa dhammaan Wasaaraddaha heer Federal iyo Dawlad goboleedyada dalka ayaa xog uruurin iyo baaris qoto dheer ku samaysay saamaynta abaaraha ee 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay maraysaa abaartii 3-aad mudo 10 sanno gudahood. Abaartani waxay darajo ahaan ku dhawdahay Macaluul – waana abaartii ugu cusleyd tan iyo sanadkii 1981.

Sida xogta Xaruntu muujineyso dalku guud ahaan wuxuu ku sii siqayaa darajada 5-aad oo ah tan ugu darran xagga saameynta.

Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siineysaa wax ka qabashada dhibaatooyinka abaarta ,sidaa daraadeed,waxay codsatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibeddaba, gaar ahaan Ganacsatada inay u gargaaraan walaalahooda ay saameysay abaarta.

Gobolka Banaadir oo shaaciyay natiijada Imtixaanaadka ee Dugsiyada dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlaayay Munaasabadda Shaacinta natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu si qoto dheer ugu hadlay heerarkii kala geddisnaa ee laga soo maray in Maamulka Gobolka lagu soo wareejiyo Waxbarashada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in maamaulka Gobolku uu DF kala soo wareegay saddex sana ka hor qaadista imtixaanka Dugsiyada dhexe iyo adeegyada caafimaadka, taas oo uu sheegay inay kaga jawaabayeen cabasho badan oo ka timid bulshada Caasimadda ku dhaqan taas oo ay garwaaqsadeen wasaaradaha ku shaqada lahaa adeegyadan.

Duqa Muqdisho ayaa hambalyo u diray dhamaan Ardayda Gobolka Banaadir ee natiijooyinka kala geddisan ka gaaray Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2021-2022 ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambayn, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax dheere) ayaa shaaciyay natiijada Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Caasimadda.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane, Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Kulanka uu Ra’iisulwasaaruhu maanta la qaatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa daba socday kulamaddii uu maalmahan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

    

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xireen xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haysta in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, ookiyaal Camera leh, boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Galmudug oo Ceel biyood ka hirgelineysa deegaanka Godinlabe

Cadaado- Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug oo ka fal-celineysa abaaraha baahsan iyo biyo yarida kajirta deegaanada Galmudug ayaa qodista ceel riig ah ka billaawday deegaanka Godinlabe ee hoostaga degmada Cadaado.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi Jaamac ayaa dhagax dhigay ceel biyoodkan oo wax badan ka tari doona baahiyaha dhanka biyaha ee ay qabeen dadka ku nool deegaanada fog-fog ee ku xeeran Godinlabe.

Ceelkan ayay hirgalintiisa iska kaashanayaan wasaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug iyo hey’adda ADRA, sida uu sheegay u qaabilsanaha hey’addaasi qaybta biyaha iyo daafada deegaanada Galmudug iyo puntland.

Sidoo kale qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degaanka Godinlabe ayaa ka mahad celiyey qodista Ceelkan.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi jama ayaa ugu dambeyn sheegay in ceelkani ku yimid qiimeyn hore looga sameeyay illaa dhowr barood oo sahmiyayaashu u asteeyeen in goobtani noqotay halka ugu mudan ee laga heli karo biyo macaan.

       

Ciidanka xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Kismaayo- Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo  nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal wada jir ah ka fuliyay tuulada Kaamjarroon iyo deegannada hoostaga ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa ku guuleystey sii deynta maxaabiis ku xirnayd xabsiga tuulada kaamjarroon oo Argagixisadu dulmiga ku haysatay, kadib markii ay canaasiirtii nabad-diidka ee halkaas ku sugneyd iskaga carareen.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidamadu ku burburiyeen dhamaan saldbhigyadii ay Argagixisadu ka joogeen deegaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul oo dhammaantood ka tirsan Tuulada Kaabjirroon, halkaas oo ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

     

Guddoomiyihii degmada Marka oo Qarax lagu dilay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ruux naftiisa halige ah ayaa goordhow isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.

Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.

Turkiga oo ku dhawaaqay hawlgallo milatari oo ay ka fulin doonaan waqooyiga Suuriya

Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin, ayaa xaqiijiyay maanta oo Arbaco ah, in ay suurtagal tahay in howlgalka milatari dalkiisa uu ka fuliyo waqooyiga Suuriya, si looga hortago khatarta amni ee halkaas ka soo wajaheeysa Turkiga.

Afhayeenka madaxtooyada Turkiga oo la hadlayayTelefishanka TRT ayaa yiri: ” Cidna ma waydiisan doono ogolaasho si Ciidamadeenu ay hawlgallo milatari ugu fuliyaan waqooyiga Suuriya, suura galna ma ahan inaan sheegno taariikhda ay Ciidamadeenu fulinayaan Weerarka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa dhankiisa khamiistii la soo dhaafay sheegay in Turkigu uusan cidna ogolaasho waydiisan waqtigii uu hawlgalka milatari ka bilaabayay Suuriya.

” Anaga iyo dereskeena Waan is dhaafsan karnaa fikradaha lagu wajahaya dagaalada ka dhanka ah falaagada, laakiin ma weydiisan doono ogolaansho ku saabsan howlgalladeena militari ee ka dhanka ah argagixisada” sidaas waxaa horay u yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Tan iyo sanadkii 2016-kii, Turkiga ayaa saddex jeer hawlgallo millatari ka fuliyay Xuduudda uu dhanka koonfureed kala wadaago Suuriya, kuwaas oo uu ku bartilmaameedsanayay kooxaha Kurdiyiinta iyo Maleeshiyaad kale oo Hubeeysan.

 

Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Wafdi ka Socda UN-ka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ku qaabilay Wafdi ka Socda UN-ka oo ay hogaaminaysay Marwa Ghada Eltahir Mudawi Ku xigeenka madaxa arimaha gurmad ee Hay”addaha iyo Hay”adda UNOCHA.

Kulanka oo qaatay Saacado aya aad looga hadlay Xaaladda Abaaraha ee ka jirta Deegaanadda KGS iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa Abaaraha kusoo noq noqday Deegaanadda Koonfur galbeed Soomaaliya

Madaxweyne laftagareen kulanka waxaa ku wehlinayey Xubno ka tirsan Wasiiradda DGKGS, Lataliyaal Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.