Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Marka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al Shabaab ka geysteen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Meelaha uu booqday guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu darantahay,waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay,islamarkaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

         

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS oo maanta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS Mudane Abdulahi Bidhan Warsame ayaa manta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD kaas oo ka furmay Magaaladda Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galaleen wufuud ka socotray 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa looga hadlayaa sidii looga faa’ideysan lahaa khayraadka biyaha ee Badda iyo Wabiyadda( Blue economy) oo ay wadamadaan hodan ku yihiin.

Shirkaan oo ah aqoon is weydaarsi heerkiisu sareeyo ayay noqoneysaa kii ugu horeysay ee Soomaaliya lagu qabto oo heerkaas gaarsiisan waxaana wadan kasta shirka ku soo bandhigay khayraadka biyo ee uu leeyahay ayadoo la baran doono inta shirku socdo hanaanka ugu wanaagsan ee khayraadka looga faa’ideysan karo asaga oo wadan kasta dagsan doono istiraatiijiyad u gooni ah oo uga shaqeysan karo ka faa’ideysiga khayraadkiisa.

Soomaaliya oo shirkaan lagu qabanayo ayaa ah wadanka ugu xeebta dheer Afrika eek a faa’ideysan kara khayraadka waxaana shirka goobjoog ah Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Kaluumeysiga, Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo madaxa IGAD ee Soomaaliya u fadhiya.

Shirkaan ayaa la soo xiri doonaa maalinka barri ah waxaana la rajeynayaa in wadamada geeska Afrika ay ka faa’ideystaan khayraadkooda.

Baanka adduunka ayaa Soomaliya ugu deeqay $100 milyan oo Dollar.

Baanka Adduunka ayaa Soomaliya ugu deeqay $100 Miyan oo Dollar taas oo ah kabka Miisaaniyadda wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS oo heshiiskan saxeexay ayaa Baanka Adduunka uga mahadceliyey.

“Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.” Ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in heshiiskani uu gacan ka geysan doonaa maalgelinta mustaqbalka dalkeenna.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo nabad sugid ah ka wada Baay

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugaan gobolka Baay ayaa  howlgallo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab, waxa ay ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolada Bay.

Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan oo ka socda deegaanka Toosweyn iyo kuwo kale ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caydaruus Cabdullaahi Sheekh  oo ah Amaan duulaha Ciidamada gulufka dagaal kula jira Al-shabaab ee deegaanka Tosweyne oo ka tisan Bardaale oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa xaqiijiyay dagaalka ka dhacay Toosweyne in ay ku dileen in ku dhow 40 maleeshiyada ah oo Afar ka mid ah ay ahayeen Wariyaal u shaqaynayay Radio Andaluus, ayna bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen halkaas.

Maamulka degmada Bardaale ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka barakiyeen dadka shacabka tuulooyin hoostag Bardaale taasina ay sababtay in ciidamada ay dagaal la galaan maleeshiyadka naf la caariga ah ee Al-shabaab.

Tiradda dadka ay Argagixisada ka barkacisay ayaa  lagu sheegayn in ay ka badan yihiin 700 oo qoys oo ka mid ah dadka deegaannadaasi dega.

Antony Blinken oo maalmaha soo socda booqanaya dalal Afrikaan ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda uu u safro dalalka Koonfur Afrika, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda.

Safarka oo bilaabanaya 7-da bisha soo socota ayaa ujeedku yahay in Washington ay kor u qaado diblomaasiyadda Afrika si looga hortagto weerarka soo jiidashada leh ee Ruushka.

Warku waxa uu intaa ku darayaain Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ay sidoo kale tagi doonta bisha Ogosto dalalka Ghana iyo Uganda.

Safarada madaxda Mareykanka ayaa la xiriira,si dii wax looga qaban lahaa saameynta isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo masiibooyinka caalamiga ah

Dhaqdhaqaaqyadaan diblomaasi  ayaa yimid, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov uu safar ku tagay dalal kamid ah Afrika.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo nabad sugid ah ka wada Baay

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugaan gobolka Baay ayaa  howlgallo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab, waxa ay ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolada Bay.

Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan oo ka socda deegaanka Toosweyn iyo kuwo kale ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caydaruus Cabdullaahi Sheekh  oo ah Amaan duulaha Ciidamada gulufka dagaal kula jira Al-shabaab ee deegaanka Tosweyne oo ka tisan Bardaale oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa xaqiijiyay dagaalka ka dhacay Toosweyne in ay ku dileen in ku dhow 40 maleeshiyada ah oo Afar ka mid ah ay ahayeen Wariyaal u shaqaynayay Radio Andaluus, ayna bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen halkaas.

Maamulka degmada Bardaale ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka barakiyeen dadka shacabka tuulooyin hoostag Bardaale taasina ay sababtay in ciidamada ay dagaal la galaan maleeshiyadka naf la caariga ah ee Al-shabaab.

Tiradda dadka ay Argagixisada ka barkacisay ayaa  lagu sheegayn in ay ka badan yihiin 700 oo qoys oo ka mid ah dadka deegaannadaasi dega.

Wasiirka Garsoorka Koofur galbeed oo ku dhintay qarax ka dhacay Beydhabo

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur  ayaa manta ku dhintay Qarax bam oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Qraxaan oo ay ka dambeeyeen kooxo dhagar qabayaal ah ayaa ka dhacay bannaanka masjid xilli laga soo baxay salaadii jimcaha ee manta.

lix ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi sida uu kusoo waramay wariyaha warbaahinta qaranka ee  magaalada Beydhabo.

Wasiirka Awqaafta XFS oo xaflad sagootin ah u sameeyay xujeey Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaaliya Mudane Cumar Cali Rooble iyo madaxa  Qunsuliyadda Somaaliya ee magaalada Jiddah Cabaas Maxamuud Diiriye ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu sagootinaayay Xujeydi ugu dambeysay ee dadka Soomaaliyeed.

Xafladdaan oo lagu qabtay dhismaha Balad Al-amiin ee magaalada Maka Al-kukarama ,waxaa kaloo ka qeybgaleen maamulka shirkadaha diyaaradaha iyo qaar ka mid ah xujeyda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo ka hadlay munasabaddaasi ayaa u mahad celiyay dhammaan intii ka qeybgashay abaabulka xajka sanadkaan.

Shan kun laba noqol iyo lix ruux ayaa sanadkaan ka qeybgalay acmaasha xajka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudi Carabiya.

Ciidamada Boliiska oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle baxsad ah oo geystay fal dil ah

Ciidamada Boliiska degmada Kaaraan oo kaashanaya taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle baxsad ah oo laba cisho ka hor geystay falal isugu jiray dil iyo dhaawac.

Eedeysanaaan oo lagu magaaco Muxudiin Maxamud ayaa laba cisho ka hor fal dil ah u geystay Ruqiyo Sh Axmed Cali ,halka uu sidoo kale dhaawacay Xaliimo Xaaji Axmed  .

Taliyaha qeybta bari ee taliska guue ee gobolka banaadir Cali calasoow goobjooge,ayaa u mahad celiyay intii ka qeybgashay soo qabashada ninkaasi,wuxuuna intaa raaciyay in eedeysanahaasi loo gudbun doono maxkamad.

Wadamada Geeska Afrika (IGAD) oo maanta kulan muhiim ah ku leh Muqdisho

Shir heerkiisu sareeyo oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay Wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa ka socda maantaMagaaladda Muqdisho.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii wadmada geeska Afrika uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka biyaha ee Badda iyo Wabiyadda  (Blue Economy) ,iyadoo si gaar ah looga wada hadlayo hanaanka dal kasta uu  uga faa’ideysan karo  khayraadkiisa.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Masuuliyiin ka kala socota 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ah iyo madax ka socota IGAD oo shirka qaban qaabineysa waana markii u horeysay oo Soomaaliya lagu qabanayo.