Ciidamada Boliiska oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle baxsad ah oo geystay fal dil ah

Ciidamada Boliiska degmada Kaaraan oo kaashanaya taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle baxsad ah oo laba cisho ka hor geystay falal isugu jiray dil iyo dhaawac.

Eedeysanaaan oo lagu magaaco Muxudiin Maxamud ayaa laba cisho ka hor fal dil ah u geystay Ruqiyo Sh Axmed Cali ,halka uu sidoo kale dhaawacay Xaliimo Xaaji Axmed  .

Taliyaha qeybta bari ee taliska guue ee gobolka banaadir Cali calasoow goobjooge,ayaa u mahad celiyay intii ka qeybgashay soo qabashada ninkaasi,wuxuuna intaa raaciyay in eedeysanahaasi loo gudbun doono maxkamad.