Wasiirka Awqaafta XFS oo xaflad sagootin ah u sameeyay xujeey Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaaliya Mudane Cumar Cali Rooble iyo madaxa  Qunsuliyadda Somaaliya ee magaalada Jiddah Cabaas Maxamuud Diiriye ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu sagootinaayay Xujeydi ugu dambeysay ee dadka Soomaaliyeed.

Xafladdaan oo lagu qabtay dhismaha Balad Al-amiin ee magaalada Maka Al-kukarama ,waxaa kaloo ka qeybgaleen maamulka shirkadaha diyaaradaha iyo qaar ka mid ah xujeyda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo ka hadlay munasabaddaasi ayaa u mahad celiyay dhammaan intii ka qeybgashay abaabulka xajka sanadkaan.

Shan kun laba noqol iyo lix ruux ayaa sanadkaan ka qeybgalay acmaasha xajka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudi Carabiya.