Shir socday Muddo sadex bari ah oo ay ka soo qeyb galeen xubno kala mata layay wadamada bariga Afrika ee ku midoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ku soo gaban gaboobay Magaaladda Muqdisho.
Shirkaan oo looga hadlayay ka faa’ideysiga khayraadka biyaha ee Badda iyo wabiyadda (Blue Economy) ayaa looga dooday dajinta Istiraatiijiyad looga shaqeyn karo ka faa’ideysiga kheyraadka biyaha ee wadamadaan geeska Afrika ay hodanka ku yihiin.
Soomaaliya ayuu shirkaan muhiimad gooni ah ugu fadhiyaa maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika islamarkaana la isla meel dhigayay ka faa’ideysiga xeebaha ee wadamada IGAD ay goonida ukal leeyahiin.
Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga XFS asaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay bulshadeeda ugu faa’ideyso khayraadka biyaha ee Wabiyo iyo Bad leh taas oo Eebe ku maneystay.
Masuuliyiinta ka socotay wadamada kala duwan ee IGAD ee shirka qeybta ka ahaa ayaa laga filayaa inay wadamadooda ka dhaqan galiyaan ka faa’ideysiga khayraadka Biyaha (Blue Economy)
Waa markii ugu horeysay ee shirkaan lagu qabto Soomaaliya taas oo ka turjumeysa nabadda iyo hormarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso waxa ayna la mid noqoneysa wadamada geeska Afrika ee shirarka wadamadaan martigaliya.
Shir socday Muddo saddex bari oo maanta ku soo gabagaboobay Magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Ergayga QM ee Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta magaladaas gaaray.
Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada, waxaana James Swan safarka ku wehelinayay Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR.
Ciidamada Turkiga oo soo badbaadiyey koox tahriibeyaal ah
Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay koox tahriibayaal oo ku sugnaa badda Aegean ka dib markii ay si sharci darro ah ugu riixeen dhinaca Turkiga ciidamada Giriiga, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay warkan.
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Turkiga ayaa 29-kii bishii July duubay muuqaalka ciidamada Giriiga oo laba doonyood oo sidday tahriibayaal ah ku riixaya xeebta Cesme ee gobolka Izmir,Iyadoo isla markiiba xaaladda lagu wargeliyay Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga, la na soo badbaadiyay Tahriibayaasha.
Ankara iyo hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darrada ah ee Giriiga ee ah in uu dib u riixo dadka magangalyo doonka ah, iyaga oo sheegay in ay xadgudub ku tahay qiyamka bini’aadantinimo iyo shuruucda caalamiga ah iyada oo khatar gelinaysa nolosha dadka nugul oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta.
Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee doonaya inay u gudbaan Yurub si ay nolol cusub uga bilaabaan, gaar ahaan kuwa ka soo cararay dagaallada iyo cadaadiska dalalkooda.
Turkiga ayaa horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah, waana in ka badan waddan kasta oo adduunka ah.
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.
Kulanka waxaa mdaxweynaha maamulka Puntland ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.







Jubbaland oo guddi u magacowday qaban qaabada aaska meydka Alle ha u naxariistee Wasiirkii Arimaha Gudaha maamulkaas
Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbaland oo shalay ku geeriyooday dalka jarmalka.
Meydka marxuum Gen Maxamed Warsame darwiish ayaa lagu wadaa in dhawaan dalka la keeno si loogu aaso dalkiisa hooyo ee uu wasiirka u ahaa.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa xubnaha uu magacabay qaban-qaabada Aaska waxa ay ka koobanyihiin ilaa 7 ruux oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo jubbaland ka tirsan.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah.
Mudane Maxamed Yuusuf Omar guddoomiye
Mudane Xuseen Xirsi Axmed guddoomiye ku xigeen
Mudane Generaal yuusuf Xuseen Cusmaan
Mudane Ceydiid Suleymaan Xaashi
Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed
Mudane Cali Cadheys Xasan
Mudane Axmed Cabbdirisaaq Maxamed
Marxuum Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo maamulka jubbland xilal kala duwan ka soo qabtay.
Ciidamada Danab oo cagta mariyay fariisimo argagixsada ay ku laaayeen gobolka Sh/hoose
Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan ururka 4-aad, guutada 16-aad, ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sabeellaa hoose.
Degaankan ayay argagixisadu ku lahaayeen fariisimo iyo maxkamado beenaad ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo ay ciidanka cagta mariyeen.
Intii uu howlgalka socday, ciidanku waxay sameeyeen baaritaano lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka, iyadoo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen qori AK47 oo ay maleeshiyada dadka ay ku handadi jireen.
Howlgalkan ayaa daba socda, howgalo is-daba joog ah oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab.
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.
Kulanka waxaa mdaxweynaha maamulka Puntland ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Taliyaha Hay’adda NISA oo ka tacsiyeeyay geerida Generaal Darwiish
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, marxuum Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo maanta ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Wasiirka Beeraha XFS oo Costa Rica uga qayb galay Shirka Qaaradaha Afrika-Latin Amerika ee horumarinta beeraha
Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka JFS Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Costa Rica uga qayb galay shirka iskaashiga Wasiirada Beeraha Africa iyo Latin America, kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Africa qaybtiisa horumarinta, Beeraha & Cimilada ee AU-AUDO-NEPAD iyo Ururka INTER-AMERICAN INSTITUTE FOR COOPERATION ON AGRICULTURE(IICA) iyo Alliance for Green Revolution Africa(AGRA) ayna martigalisay Dowlada Costa-Rica,shirka waxaa diirada lagu saaray sidii labada qaaradood iskaga kaashan lahaayeen xaqiijinta hiigsiga caalamiga ah ee la dagaalanka gaajada iyo gaarista yoolka badbaado cunto(Zero Hunger).

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada Shabeelaha Hoose
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo iskaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Nabad-diidka Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.











