Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada Shabeelaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo iskaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Nabad-diidka Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Deegaanada Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo gacanta ugu jiray Argagixisada ayaa howlgalkaas lagu xoreeyey.
Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xarago oo ah taliyaha ururka 25-aad ee xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminyay ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay inay Argagixisada ka xoreeyeen deegaanadaas oo ay burburiyeen goob kastoo ay fariisin ku la haayeen.