Hoggaamiyihii Al-Qaacida oo lagu dilay Afgaanistaan

Ayman al-Zawahiri oo ka tirsanaa Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha ee dowladda Maraykanka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee CIA ay ka fuliyeen dalka Afgaanistaan .

Al-Zawahiri ayaa la dilay Axadii, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo wajahda kooxda tan iyo markii la dilay Aasaashoodii Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii.
“Caddaalad ayeey wadda mareen hogaamiyaashii argagixisad hadda waa dhinyeen,” ayuu Biden ku yidhi khudbad gaar ah oo ka soo baxday Aqalka Cad.

Sirdoonka ayaa ku howlnaa sidii ay usoo afjari lahayeen hoggaamiyaasha Al-Qaacida ee saldhiga u ah dalka Afgaanistaan’ Al-Zawahiri ayaa ahaa bartilmaameedka isaga iyo hoggaamiyaasha kale kooxda Biden,isagoo intaa ku daray in aysan jirin dhibaato kale oo ka soo gaartay qoyska Al-Zawahiri weerarka lagu dilay.

Saraakiil Mareykan ah oo magacooda la qariyay ayaa sheegay in CIA-du ay Axaddii weerar diyaaradeed ka fulisay caasimadda Afgaanistaan ​​ee Kabul, iyadoo la adeegsaday labo Gantaal.

Madaxwaynaha Puntland oo xariga ka jaray Wadooyin laami ah iyo Mashruuca Cagaarinta Caasimada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

* Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.

* Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.

* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.

* Qorshaha nashqadeynta magaalada

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaas

Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto.

Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada Ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose.

 

Ciidanka Nabad Sugida Koonfur Galbeed oo howlgallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyey xafadaha Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan xafadaha Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.

Howglalka ayaa intuu socday Ciiidanka guri guri ubaarayey Xaafadaha waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro tiradooda gaarayso 80 kuwaaas oo Ciidanka ku sameeyen baaritaan inta badan dhalinyarada ayaa lasii daayey markii lagu waayey kamid ahaanshaha Argigixisada Alshabaab waxaana weli Ciidanka gacanta ku hayaan tiro dhalinyaro ah oo weli ku socota baaritaan.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada ka wada howlgalo lagu bacsanaayo argigixsada Alshabaab kuwaas oo caadaystay dhibaataynta Shacabka.

Xulka Gubada Cagta Gabdhaha Ingiriiska oo soo bandigay ciyaar cajiib ah

Xulka Gabdhaha Ingiriiska ayaa caawo dhigay taarikh cajib ah  kadib markii ay 2:1 kaga badiyeen dhigooda Jarmalka finalka koobka haweenka Yurub.

Chloe Kelly ayaa  daqiiqadii 110-aad dhalisay goolka guusha u horseeday England oo ah guushii ugu horaysay ee heer caalami ah tan iyo markii ay kooxda ragga ahi ku guulaysteen koobkii Aduunka 1966kii.

Guusha ayaa timid waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta finalka Euro 2022 oo ka dhacday garoonka Wembley Stadium.

 

Kelly, oo bedel ku soo gashay, ayaa kubbad dabacsan ka soo laaday koono. Waxay sugtay xaqiijinta goolka ka hor inta aysan iska bixin shaadhka waxaana xigay in saaxiibadeeda ay kor u qaadeen farxad aawadeed.

Maalin taariikh weyn ku leh kubadda cagta Ingariiska. Ella Toone ayaa mar sii horeysay ka soo kacday kursiga keydka si ay u dhaliso goolkii furitaanka ee waqtigii caadiga ahaa balse  Lina Magull ayaa Jarmalka u soo  barbareysay daqiiqadii 79aad.

Waxaa la arkayay muqaal farxadeed oo ka muuqday tarabuunka iyo qiiro ay muujinayaan ciyaartoyda garoonka ku jiray.

Xulalka Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa aad u xafiiltama. England waxa ay samaysay wax aanay wadan kale hore u samayn – waxa ay garaacday Germany oo ku guulaystay Siddeed jeer finalka koobka haweenka Yurub dareenkuna waxa uu ahaa mid xamaasad leh. Waxay ku soo beegantay 56 sano ka dib markii wiilasha England ay garaaceen West Germany finalkii Koobka Adduunka 1966, waana koobkii kaliya ee hore ee ugu weynaa Ingiriiska.

Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida laba Wasiir oo ka kala tirsanaa Jubaland iyo Koonfur Galbeed

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Labada Marxuum ay door muuqda ka soo qaateen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland oo ay ka kala ahaayeen Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish, waxa ay ka mid ahaayeen masuuliyiinta doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Labada Marxuum Alle u weydiiyey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay  magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 26 Wasiiru Dowle.

Magacabisata Golaha wasiirada Hirshabeelle oo muda dheer qaadatay tan iyo markii madaxweynaha la doortay dhamaadkii sanadkii 2020 iyadoona ay xiligaasi ay shaqeynayen wasiiradii maamulkii Madaxweyne waare iyo xubno kooban oo isku shaandheyn lagu sameeyay.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Wasiirada.

 

Dowladda Jamhuuriyadda Serbia oo gergaar bani’aadanimo u soo direysa Soomaaliya

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Serbia ayaa lagu sheegay in Dowladda Serbia ay go’aansatay in gurmad raashin oo deg deg u dirto Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay abaartu halakeysay. Arrinta tani waxa ay ka dambeysay kadib markii Danjiraha JFS ee Belgrade Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed uu Dowladda Serbia gaarsiiyay codsi rasmi ah taas oo la xiriirta in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqay xaalad deg deg, isla markaana codsi u dirtay dhammaan Dowladaha aan saaxiibka nahay in ay Soomaaliya la soo gaaraan Gergaar bani’aadanimo.

Danjire Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Safaaradda JFS ee Belgrade ay si waafaqsan Baaqii Dowladda Soomaaliya ee Gurmadka Abaarta, dadaal badan sameysay sidii Dowladda aan saaxiibka nahay ee Serbia ay gurmad ugubsameyn laheyd Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno dhameeyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Soomaaliyeed ee Turksom

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.
Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaran oo kormeer sameeyay

Gudoomiyha Maxkamadda sare ee dalka, Xeer-ilalaiyaha guud ee Qaranka iyo gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir ayaa manata si wada jir ah u kormeeray howlaha kala duwan ee ka socda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Rafcaanka iyo maxkamadda bobalka Banaadir.

kormeerka ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa Ilaalinta saacadaha shaqada, hufnaanta shaqada iyo guud ahaan dardar gelinta howlaha shaqo ee Garsoorka dalka.

Madaxda kala duwan ee kormeerka sameeyay ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah howl wadeenada Garsoorka, iyagoo kula dar-daarmeen hawl-wadeennada in bulshada Soomaaliyeed loogu adeego habka ugu Hufan uguna ixtiraamka badan.