Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Mohamed Abukar Zubeyr ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay xafiisyadooda New york iyo Muqdisho, Ian Martin oo hoggaamiya Qaybta Dib u eegista Istaraatiijiyadda iyo James Swan oo ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M.

Waxay ka wada hadleen sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.

Kulamada waxaa goobjoog ka ahaa La taliyeyaasha XRW ee Amniga Kamal Gutale, Xiriirka Caalamiga Dr Hodan Cismaan iyo Arrimaha Dib u Heshiisiinta Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha ka socday Q.M. ayaa markii dambe salaan sharafeed iyo hambalyeyn ugu tagay Ra’iisul Wasaare Xamse oo shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub.

          

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada Cusub

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa kulan ay manta yesheeyn ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, iyada oo Xildhibaannada cod gacan taag ah ay ku ansxiyeen Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka ayaa sheegay indhamaan  xildhibaannada ay cod wada ogol ah ay ugu codeeyeen xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la wareegtay maamulka Isbitaalka Guud ee gobolka Galgaduud

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa ka qayb galey munaasabadan oo wasaraddu ay kula wareegeysay shaqada isbitaalka guud ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen wasiirro, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo gudoomiyaasha gobolka iyo kan magaalada Dhuusamareeb, ayaa lagu amaanay shaqadii isbitaalka uu bulshada u hayay, sidokale dhamaan dadka madasha ka hadley ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanaa isbadalkan si loo laba jibaarro shaqada isbitaalka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa balan qaaday in Wasaraddiisa awoodeeda isugu geyn doonto sidii Isbitaalkan uu noqon lahaa mid laga helo adeeg caafimaad oo aad u tayo sare leh.

Mas’uuliyiinta munaasabadan ka qayb gashay ayaa Wadajir u kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sida qeybha Jiifka, Dawada, Tallaalka iyo Dhismayaasha kale ee Isbitaalka.

Ruushka oo Reer Galbeedka ugu digay inay Ukraine ka huriyaan Dagaal sababa Nukliyeer

Xukuumadda Moscow, ayaa sheegay in Dagaalka kala dhaxeeya Ukraine uusan sabab u noqon Karin in Ruushka uu isticmaalo Hubka halista ah ee Nukliyeerka, balse waxay intaas ku dareen in laga yaabo Moscow in ay go’aansato adeegsiga Hubkeeda Nukliyeerka si ay uga jawaabto daandaansi kasta oo kaga yimaado dalalka NATO ee fara galinta ku haya Dagaalka Ukraine.

Diblumaasi ka socday Ruushka oo Talaadadii shalay hadal ka jeediyay Shir looga hadlayay ka hortagga faafidda Hubka Nukliyeerka, ayaa yiri: “ wararka ku saabsan in Ruushku uu isticmaalayo hubka Nukliyeerka, gaar ahaana uu u adeegsanaayo Ukraine, waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

Waxaa xusid mudan markii uu bilowday weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu heegan sare galiyay Hubkiisa Nukliyeerka, taasi oo suurta gal ka dhigeeysa in markasta uu diyaar u yahay inuu isticmaalo.

Trofimov, oo ah Diblomaasi sare oo ka tirsan waaxda xakamaynta Hubka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa sheegay in Moscow ay isticmaali doonto Hubkeeda Nukliyeerka keliya marka lagu soo weeraro Hub khatar ku ah jiritaanka Ruushka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SOO DHAWEYN AH LA QAATAY XUBNAHA MAGACAABAN EE GOLAHA XUKUUMADDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

 

                          

𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝗼 𝗟𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 oo 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗲𝘆𝘀𝘁𝗶𝗿𝗮𝗻.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, ka dib, wadatashi uu la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Hoos ka 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝗼 𝗟𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 oo 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗲𝘆𝘀𝘁𝗶𝗿𝗮𝗻.

    

Ra’iisul wasaare Xamse ka oo codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan Golaha wasiiradda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, ka dib, wadatashi uu la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah

Mudane Xamse ayaa si xushmad iyo qaddarin leh uga codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Ra’iisulwasaaraha oo ku dhowaaqay golaha cusub ee Wasiirrada XFS

Ra’iisulwasaaraha XF Soomaaliya mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda uu hoggaamin doono Afarta sana ee soo socota.

Golaha ayaa ka kooban 77 mudane, 25 wasiir 25 ku xigeen, 26 Wasiirudowle iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Saalax Axmed Cali.

Ra’iisulwasaare Xamza oo furay munaasabadda magacaabista golaha wasiirrada ayaa sheegay in la tashiyo badan oo uu la sameeyay madaxweynaha dalka, gudoomiyaha labada Aqal ee Baarlamanka uu soo dhisay gole uu ugu magac daray Dan Qaran uuna rajaynayo inay xilkooda gudan doonan.

Liiska Wasiirada

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.

2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.

4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda.
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Ibraahim Macallin Yuusuf oo Magaciisa Afgarashada Kooxda nabadiidka Al-shabab loo yaqaanno (Suleymaan) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60-aad ee magaalada Baydhaba.

Wuxuuna Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha joogatada ah ee xoola dhaqatada.

Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Argagixisadu ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada bariga Hiiraan

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab  saakay ka billaabay deegaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Bukure oo qeyb ka ahaa howlagalka lagu baacsanayo Argagixisada ayaa SONNA u sheegay in dagaalka ay saakay Ciidanku la galeen Al-shabaab uu ahaa mid culus, isla markaana cadowga lagu gaarsiiyay jab aad u xooggan.

Dagaalkan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ciidan ayaa maalmahanba ka socday inta u dhexeysa Baladweyne iyo degmada Maxaas, halkaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa Argagixisada.