Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada bariga Hiiraan

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab  saakay ka billaabay deegaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Bukure oo qeyb ka ahaa howlagalka lagu baacsanayo Argagixisada ayaa SONNA u sheegay in dagaalka ay saakay Ciidanku la galeen Al-shabaab uu ahaa mid culus, isla markaana cadowga lagu gaarsiiyay jab aad u xooggan.

Dagaalkan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ciidan ayaa maalmahanba ka socday inta u dhexeysa Baladweyne iyo degmada Maxaas, halkaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa Argagixisada.