Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Ibraahim Macallin Yuusuf oo Magaciisa Afgarashada Kooxda nabadiidka Al-shabab loo yaqaanno (Suleymaan) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60-aad ee magaalada Baydhaba.

Wuxuuna Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha joogatada ah ee xoola dhaqatada.

Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Argagixisadu ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen.