Mas’uuliyiin ka tirsan XFS oo ka qeyb galay aaska marxuum Maxamed Warsame Darwiish

Siihaya Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda magacaaban, ayaa ka qaybgalay aaska Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ee Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Marxuumka oo horey u soo qabtay xilka Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo ee xarunta KGM Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Allaha u naxariistee, Jeneraal Darwiish ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Jarmalka oo uu u joogay xaalad caafimaad.

    

Ciidanka Nabad sugidda K/Galbeed oo dilay horjooge Al-shabaab ah iyo nin kale

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka howlgal qorsheysan oo laga fuliyey tuulada neebsooy ee duleedka Magaalada Baydhabo ku dilay laba maleeshiyaad ah oo uu ku jiray nin horjooge ah.

Howlgalkani oo ka dhacay meel 40 km u jirta Beydhabo waxaa lagu dilay horjooge Al-Shabaab  uqaabilsanaa weerarada,kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali nuur iimaan (tufow),halka sidoo kale la dilay Awal Macalin Cabdulahi oo ahaa istaaf ama ilaali.

Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka konfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay inay howlgalada ay  sii wadi doonaan ilaa inta degaannada konfur galbeed laga saarayo kooxda Argigixisada Al-Shabaab .

Wasaaradda Cafimaadka Galmudug oo agaasime u magacaabay Isbitaalka Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Galmudug Dr.C/wali C.laahi Jaamac,ayaa maana Cabdi Maxamuud Xirsi (Goodle) u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Isbitaalka Gaalkacyo.

Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, Gaalkacyo hospital ayaa waxaa gacanta ku haysa wasaaradda caafimaadka Galmudug.

Madaxda Galmudug oo soo dhoweeyay dhallinyaro u heelan hormarinta Sportiga ee gobolkaasi

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shaacir sheegoow Maxamed iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali cabdi ayaa magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdi u badan khurbajoog oo halkaasi u tagay ka qeybqaadashada hormarinta iyo taageeridda Sportiga ee Galmudug.

Wafdigaasi  oo galinkii dambe ee shalay kormeerey garoonka cayaaraha oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyey waxa ay soo indha-indheeyeen qaybaha uu garoonku ka kooban yahay, iyagoo si weyn u muujiyey sida ay ugu farax sanyihiin howsha balaaran ee garoonkan laga qabtey iyo sida ay diyaarka  ugu yihiin dhameystirka qaybaha  dhiman oo ay kujiraan helida agabka Sports-ka ee kooxuhaha.

Wasiirka , Gudoomiyaha Gobolka iyo xubnihii kale, waxa ay ka wadahadleen  dadaalada socda ee horumarinta ciyaaraha Galmudug sida qorsheyaasha isku dubariddida kooxaha ka dhisan Galmudug, dhismayaasha garoomada, dardar galinta tartamada kala duwan ee Kubadda iyo arrimo kale.

Wafdiga oo ay kala hoggaaminayeen, Cabdullahi maxamud xirsi gudoomiyaha dhalinyarada  xiriika kubada cagta soamalia, Maxamad macalin Gudomiyaha dhaqanka iyo sportga qurbajogta soomaaliya iyo macaln Muse maxamad naasir madaxa qaybta ciyaaraha ee  jamacada ummada,waxaa  lagu wadaa in ay ka qeybgalaan tartanno dhinaca orodka ah iyo bixinta koobab ay hore u diyaariyeen xiriirka cayaaraha Galmudug.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WARIYE CALI MUUSE CABDI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa wariyeyaasha ruug caddaaga ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali uu ahaa muwaadin wakhti badan galiyay soo bandhigidda xaaladda dalka iyo caqabadaha ku xeeran, muujinta fursadaha dadka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo ah astaamaha laga rabo in uu ku sifoobo wariyaha waddaniga ah.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Muuse Cabdi oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka soo qeyb-qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed iyo soo bandhigidda duruufaha iyo xaalada dalkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Xubno ka socday Xafiiska RW XFS oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Demartino

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Demartino Dr Cabdirizak Yuusuf Jalaaludiin ayaa maanta Isbitaalka ku soo dhaweeyay Xubno ka socday Xafiiska Ra’isul Wasaarah oo uu hogaaminayay Agaasimaha Arrimaha bulshada ee Xafiiska Ra’isul Wasaarah kuwaas oo kormeer iyo indha indheyn u yimid Isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka oo fadhi la qaatay xubnahaan ayaa xog dhameys tiran ka siiyay xaalada isbitaalka oo waqtiyadii u dambeysay ay soo gaarayeen bukaano aad u baaxad weyn oo u badan bara kacayaal isbitaalka u soo doontay adeeg caafimaad.

Xubnaha ka socday Xafiiska Ra’isul Wasaarah oo u kuur galayay xaaladda isbitaalka iyo bukaanada jiifa ayaa waax waax u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka ayagoo soo arkay caruur nafaqa daro hayso, waayeelo, bukaano isbitaalka jiifa iyo kuwa bukaan socod ah oo loo adeegayo.

Isbitaal Demartino oo ku jira waqtigi ugu adkaa ee shaqo tan iyo COVID-19 kii ayaa wajahaya xaalad baahsan oo shaqo waxuuna u baahan yahay garab istaag buuxa, xubnahaan ayaa la filayaa in fariinta isbitaalka la wadaagaan Madxda Dalka si loo helo shaqa haqab tiran oo bukaanada lagu baahi tiro.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo tababar loo soo xiray

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow ) ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcadii 12aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka tababarka qaatay ayaa ka tirsan Ururada 51-aad 260-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo in muddo ah u socday Ciidanka ayaa waxaa taageereysay dowladda UK waxaana maanta u soo idlaaday tababarkii ugu socodey Xaruunta Tababarka UK ee Magaalada Baydhabo.

Booliska Gobolka Banaadir oo sameeyay howlagallo lagu sugayay amniga.

Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sacadihii lasoo dhaafay fuliyey howlgallo lagu sugayo amniga oo dad badani lagu soo qabqabtay.

Taliyaha qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) oo fagaare kula hadlay dadkii lagu soo qabtay howlgalka ayaa sheegay inaan been lagu xaman ciidanka ammaanka balse lala wadaago xogta ay hayaan.

Taliye Yaasiin oo la hadlayay dadkii lasoo qabtay ayaa sheegay in dhallinyarada wax dhacda ay bulshada kasoo dhex baxeen , cirkana kasoo dhicin balse ay weli u turayaan una caqli celinayaan.

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa in dhowaalaba ku guda jiray howlgallo ballaaran oo ka dhan ah dhallinyarada loo yaqaan Ciyaal weerada, kuwaas oo dhac iyo dilba u geysta dad shacabka ah.

Qaramada Midoobay oo Malaayiin dollar ugu deeqday Soomaaliya

War kasoo baxay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha bini’aadantinimada xafiiskeeda Muqdisho ayaa lagu sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ka hadlay xaaladda abaaraha ayaa sheegtay inay OCHA bixisay 9.5 milyan oo dollarka Maraykanka ah, si gargaar degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ku dhaqan meelaha khatarta ugu badan ay ka jirto.

Danjire; Adam Abdelmoula ayaa sheegay in qoondada cusub ee Sanduuqa gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada baahiyaha bulshooyinka ay sida daran u saameeyeen ee gobollada Baay iyo Bakool.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo bini’aadantinimo, haddana waxaa loo baahan yahay gargaar, si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya, si looga hortago natiijooyinka ugu xun ee ka dhasha abaaraha,” ayuu yidhi, Adam Abdelmoula.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof , iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, kuwaas oo u badan Haween iyo carruur.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah Wasiirrada magacaaban

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabbiley Wasiirrada magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo kasoo jeeda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan wasiirrada ugu hambalyeeyay mus’uuliyadda loo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo howlaha adag ee sugaya.

Guddoomiyaha ayaa Wasiirrada kula dardaarmay in ay si daacadnimada ah oo ay wadaniyad ku dheehantahay ugu adeegaan dalka iyo dadka.