Hoggaanka Galmudug oo muhiimadda koowaad siiyay u gurmashada dadka abaarta iyo colaadaha ay saameeyeen

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay magalaada Dhuusamareeb kaga qeyb galay shirweynaha gurmadka abaaraha Galmudug.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray u qareemidda iyo garab istaagga dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen, ee ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaan uga mahadceliyay hoggaanka Galmudug sida ay uga go’an tahay in xilligan muhiimadda 1-aad la siiyo u gurmashada dadka abaarta iyo colaadaha ay saameeyeen, una sii dheer tahay dhibaatada argagixisada Al-Shabaab kala kulmayaan.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha Mr. Warsame ayaa dadka wax haysta gaar ahaan qurba joogta iyo ganacsatada Galmudug ugu baaqay in ay gurmadaan walaalahooda oo aysan gacan ajanabi iyo mid dowlad kaliya ku halleyn.

Shirweynaha gurmadka abaaraha Galmudug waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan wadatashi ah la qaatay culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Isra’el oo duqaysay Gaza iyo Islamic Jihad oo iyadna gantaallo ku ridday dhanka Isra’el

Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.

Saraakiisha ururka falastiiniyiinta ee Islaamig Jihaad ayaa sheegay in ilaa 100 gantaal ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Waxaa ay intaa ku dareen in gantaaladani ay ku dhaceen meelo ay ka mid tahay magaalada Telaviv iyo magaalooyiin kale.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 70 gantaal lagu soo tuuray dhanka Israa’iil.

Qaar badan oo madaafiicda la soo riday ka mid ah ayaa waxaa qabtay gantaalada ka hortaga madaafiicda ee israa’iil.

Waxaa la maqlayay dhawaqa ganbaleelka digniinta iyo kan gawaarida gurmadka degdega ah. Dhanka kale, Xamaas oo maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay ku mideysan yihiin dagaalka, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa socda.

Mar sii horeysay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxaa ay magaalada Qaza ka fuluiyeen duqeymo.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay ilaa 10 qof oo falastiiniyiin ah. Dadka duqeymaha Israa’iil lagu dilay waxaa ka mid ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islaamig jahaad oo lagu magacaabo Tayseer Jabari .

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “u qiyaasayaan in ilaa 15” mintidiinta ka tirsan lagu dilay weerarka ay ka fuliyeen magaalada Qaza.

Weerarrada ay dadka kudhinteen ee Israa’iil ayaa yimid ka dib markii ciidamada Israel ay xireen Bassam al-Saadi, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Islaamig Jihaad, horaantii isbuucaan.

Arrintan waxay sare u qaadeen cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen in ka badan 260 qof.

Shir looga hadlayey Hormarinta Mashaariicda,iyo Xoojinta Amniga deganada KGS oo Baydhabo lagu qabtay

;Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta,Amniga,Arimaha,Gargaarka,Cadaalada,Haweenka iyo Sarakiil ka socday Madaxtooyada  ayaa maanta Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madax ka socotay Hay,adda UNDP oo Baydhabo  gaaray.

Kulanka Wasiirada iyo Madaxda UNDP waxaa diirada lagu Saarayey Taageerida Hay,adda UNDP dhinacyada Amniga,Gargaarka iyo Hirgelinta Mashaariicda.

Golaha shacabka oo beri oo codka kalsoonida u qaadaya wasiirada magacaaban

Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamanaka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee cod u qaadista kalsooni siinta golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda, si dalku u yeesho Xukuumad Sharciyad buuxda u haysata howlaha fulinta.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti iyo waayo aragnimo, isagoo xildhibaanada golaha shacabka si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday in ay ansixiyaan golaha si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo oo qaabilay wafdi ka socda WFP

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta xarunta dowladda hoose ku qaabilay xubno ka socday Hay’adda WFP.

Xubnahaan ayaa maayar ku-xigeenka degmada Gaalkacyo kala hadlay xaaladaha abaaraha ee xiligaan ka jira deegaanada gobolka Mudug iyo sidii qiimeyn balaaran loogu soo sameyn lahaa dhibaatooyin ka dhashay abaaraha saameynta culus ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay inay aad u korortay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Turkiga oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ku hayso marinka Qaza

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku boorisay “xakamaynta iyo caqli-galnimada” iyada oo ay sii kordhayso xiisadda gobolka ka dib weerarradii dhimashada badnaa ee lagu qaaday Qaza.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda sii kordheysa ee gobolka ka dib weerarrada, waxaan carrabka ku adkeynaynaa baahida loo qabo in la soo afjaro dhacdooyinkan ka hor inta aysan isu bedelin dagaal cusub,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Mar sii horeysay, ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geedi-socodka Nabadda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii socota ee u dhexeysa mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, oo ay ku jirto dilka qorsheysan ee maanta lagu dilay hoggaamiyihii Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin gudaha Gaza.”

“Saacaddii lasoo dhaafay, ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeynta Israel, waxaan aad uga xumahay wararka sheegaya in ilmo shan sano jir ah lagu dilay duqeymahan, ma jirto wax cudurdaar ah oo loo heli karo weerar kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah.” Tor Wennesland ayaa intaas ku daray.

Wasaaradda caafimaadka ee fadhigeedu yahay Qaza ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israel ay sababeen dhimashada 10, oo ay ku jirto gabar 5 jir ah iyo dhaawaca 44 kale oo Falastiiniyiin ah.

Dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ayaa sheegay in Taysir al-Jabari, oo ahaa taliyihii u qaabilsanaa gobolka Qaza lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ah, dhinaca kale Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen al-Jabari iyo 10 kale.

Maamulka Falastiin ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay joojiso gardarada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, gaar ahaan Gaza, ayna siiso dadka deegaanka ilaalin caalami ah.

Haya’adda FOA oo baaq caalami ah kasoo saartay xaaladda Abaarta Geeska Afrika

Xafiiska Soomaliya ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha FAO ayaa ku dhawaaqay si degdeg ah ugu baahan tahay 131.4 Milyan oo Doollar, si loogu caawiyo dad gaaraya 882,000 qof oo ku nool Geeska Afrika.

“Heerka maaliyaddu waa mid hoose” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay, iyadoo intaas ku dartay in dadaallada ka hortagga macluusha ee ka jira 55 ka mid ah 90-ka degmo ee Soomaaliya ay 46% kaliya wax laga qabtay,FOA ayaa sheegtay in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

“Ma sugi karno in macluusha lagu dhawaaqo; waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan u ilaalino maciishada iyo nolosha,” ayey tiri FOA.

Sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, in ka badan 500 oo carruur ah ayaa ku dhintay Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo sababo la xiriira nafaqo-xumo la xiriirta abaarta.

In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayay abaartu saamaysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

Turkiga oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ku hayso marinka Qaza

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku boorisay “xakamaynta iyo caqli-galnimada” iyada oo ay sii kordhayso xiisadda gobolka ka dib weerarradii dhimashada badnaa ee lagu qaaday Qaza.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda sii kordheysa ee gobolka ka dib weerarrada, waxaan carrabka ku adkeynaynaa baahida loo qabo in la soo afjaro dhacdooyinkan ka hor inta aysan isu bedelin dagaal cusub,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Mar sii horeysay, ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geedi-socodka Nabadda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii socota ee u dhexeysa mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, oo ay ku jirto dilka qorsheysan ee maanta lagu dilay hoggaamiyihii Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin gudaha Gaza.”

“Saacaddii lasoo dhaafay, ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeynta Israel, waxaan aad uga xumahay wararka sheegaya in ilmo shan sano jir ah lagu dilay duqeymahan, ma jirto wax cudurdaar ah oo loo heli karo weerar kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah.” Tor Wennesland ayaa intaas ku daray.

Wasaaradda caafimaadka ee fadhigeedu yahay Qaza ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israel ay sababeen dhimashada 10, oo ay ku jirto gabar 5 jir ah iyo dhaawaca 44 kale oo Falastiiniyiin ah.

Dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ayaa sheegay in Taysir al-Jabari, oo ahaa taliyihii u qaabilsanaa gobolka Qaza lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ah, dhinaca kale Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen al-Jabari iyo 10 kale.

Maamulka Falastiin ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay joojiso gardarada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, gaar ahaan Gaza, ayna siiso dadka deegaanka ilaalin caalami ah.

Kooxaha Falastiin oo in ka badan 100 Gantaal ku garaacay Israa’iil

Kooxaha wax iska caabbinta reer Falastiin ayaa sheegay in inka badan 100 Gantaal ay ku rideen qaar kamid ah magaalooyinka Israa’iil, taasi oo sida ay shegeen jawaab u ah duqeeymahii ay Ciidamada Yahuudda ka geeysteen Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Afar Israa’iiliyiin ah ay dhaawacmeen kadib markii qaar kamid ah Gantaalada ay ku dhaceen gudaha Telaabiib.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in 130 Madfac oo ay soo rideen kooxda Islaami Jihaad ay u gudbeen gudaha Israa,iil, hkuwaasi  oo geeystay khasaara kala duwan.

Saxafiyiinta ku sugan maamulka Israa’iil, ayaa sheegay in gudaha Telaabiib laga maqlayay dhawaqa Ganbaleelka digniinta iyo Gawaarida gurmadka degdega ah.

Dhanka kale, Kooxda Xamaas ee maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ee reer Falastiin ay ku mideysan yihiin dagaalkan, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa ay wadaan Ciidmada Israa’iil.