Hoggaanka Galmudug oo muhiimadda koowaad siiyay u gurmashada dadka abaarta iyo colaadaha ay saameeyeen

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay magalaada Dhuusamareeb kaga qeyb galay shirweynaha gurmadka abaaraha Galmudug.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray u qareemidda iyo garab istaagga dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen, ee ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaan uga mahadceliyay hoggaanka Galmudug sida ay uga go’an tahay in xilligan muhiimadda 1-aad la siiyo u gurmashada dadka abaarta iyo colaadaha ay saameeyeen, una sii dheer tahay dhibaatada argagixisada Al-Shabaab kala kulmayaan.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha Mr. Warsame ayaa dadka wax haysta gaar ahaan qurba joogta iyo ganacsatada Galmudug ugu baaqay in ay gurmadaan walaalahooda oo aysan gacan ajanabi iyo mid dowlad kaliya ku halleyn.

Shirweynaha gurmadka abaaraha Galmudug waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.