Ciidamada ilaalada Xeebaha Turkiga oo soo badbaadiyey Koox Tahriibayaal ah

Ankara- Ciidamada ilaaladda Xeebaha dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyey Tahriibeyaal magangelyo Doon ah kuwaas oo Ciidamadda Giriigu sife sharci darro ah dib ugu soo celiyeen Xeebta Gobolka Izmir,tirada Dadka la soo badbaadiyey ayaa lagu sheegay 8 qof halka sidoo kale Maydkooda la helay laba qof oo kale.

Muhaajiriintan aan caadiga ahayn ayaa u sheegay kooxaha ilaalada xeebaha Turkiga in 11 tahriibayaal ah oo katiinadeysan oo aan haysan wax jaakadaha badbaadada ah ay ciidamada Giriiga ku tuureen badda kadib markii ay u gudbeen jasiirada Giriiga ee Sakiz (Chios),Muhaajiriinta oo sheegay in ay garaaceen ciidamada Giriiga ayaa la dhigay isbitaalada ku dhow dhow.

Turkiga iyo hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darrada ah ee Giriiga ee ah in uu dib u riixo dadka magangalyo doonka ah, iyaga oo sheegay in ay xadgudub ku tahay qiyamka bini’aadantinimo iyo shuruucda caalamiga ah iyada oo khatar gelinaysa nolosha muhaajiriinta nugul oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta

Shir looga hadlayey mashaariicda Midowga Yurub oo Baydhabo lagu qabtay

Baydhabo- Xafiiska Maareynta mashriicda Midowga yurub NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa manta magaalada Baydhabo ku qabtay kullan wadatashi ah oo ku saabsan hanaanka ay u socdaan mashaariicda sanduuqa horumarinta Midowga Yurub EDF/Projcets uu ka wado dowladd gobaleedka Koonfur galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Dr Cali Macalin ayaa furitaanka kullanka goobjoog ka ahaa, sidoo kale waxaa qeyb ahaa Agaasimiyaasha guud Wasaaradahaah mashaariicda mdowga yurub la falgala iyo masuulayiin sare oo ka socday Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, iyada oo warbixin laga dhageystay Madaxda Wasaaraddaha mashruuca IlIED-ka qeybta ka ah iyo howlaha kale midowga yurub ka waddo dowladd gobaleedkan ee horumarinta, dhisnamaha dowladda hoose, Arrimaha bulshada, Adkeysiga Abaaraha , Amniga iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa lagu falanqeeyay mashaaricda mira-dhalay, caqabadaha jira dhinac walbo iyo qaabka loo dar-dargalin karo howlaha harsan ee horu-tebinta leh xiligan.

Madaxweyne Xasan sheekh oo Booqasho Rasmi ah uga bilaabatay Dalka Uganda

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.

    

 

Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.
Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.
Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GANACSATADA SOOMAALIYEED KALA ARRINSADAY ISKAASHIYADA DHAQAALE EE HEER-GOBOL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka, isagoo ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.
“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay.”
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda ay ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxsoosaarka.

Argagixisada Al-shabaab oo dab qabad siiyeen guryahii ay daganaayeen dadkii ay soo barakacisay abaarta

-Kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa gubay Ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen dadka ku nool tuulooyinka Bukure, Hees iyo Raqso oo u dhaxeeya magaalooyinka Maxaas iyo Baledweyne ee Gobolka Hiiraa.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed Oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay sido kale dab qabad siiyeen guryahii ay daganaayeen dadkii ay soo barakacisay abaarta.

Xildhbaanka ayaa sheega in argagixisada sidoo kale afdubteen qaar kamid ah wax garadkii Degaanadsi waxa ayna jareeyn isgaarsiintii tuulooyinksi,dadka degaanka aya xiligaan wajahaya dhibaato xooggan oo ay argagixisadu ku heeyso

Ugu dambeyntii xildhibaank aya fariin u diray shacabka reer Hiraan taa oo ah in ay u istagaan sidii ay isaga qaban lahayeen koxaha argagixisada ee diidan Nolosha dadka ku dhaqan degaanada ka tirsan Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir yaa maanta si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan Kubada Koleyga ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan Kubada Koleyga ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Garoonka Stadium Wiish ee degmada Cabdicasiis oo ay ka dhacday furitaanka tartankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyna ah oo kala taageerayay degmooyinka Wadajir iyo Howl Wadaag kuwaas oo tartankan lagu furay.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa kula dardaarmay ciyaartoydii ka socotay degmooyinka iyo deegnada Muqdisho in ay soo bandhigaan ciyaara ku dhisan Aqlaaq iyo xirfad wanaag.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo shaaciyay arrimaha ay xoogga saari doonto Xukuumadda Dan-Qaran

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada;

Arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka  iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, horrumarinta hannaanka federaalka, dib-u-heshiisiinta, Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Sidoo kale, Xukuumadda ayuu xusay in ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, oo uu horgeeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ka dib, fadhi ay yeesheen Golaha oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 229 mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

—DHAMMAAD—-

Xildhibaanada golaha shacabka oo ansixiyay xukuumadda cusub

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shirweyne ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayay goluhu ku ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa soo xaadiray 237-mudane, waxaana ogolaatay xukuumadda cusub 229-xildhibaan, 7-diiday halka hal xildhibaan uu ka aamusay.