Shir looga hadlayey mashaariicda Midowga Yurub oo Baydhabo lagu qabtay

Baydhabo- Xafiiska Maareynta mashriicda Midowga yurub NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa manta magaalada Baydhabo ku qabtay kullan wadatashi ah oo ku saabsan hanaanka ay u socdaan mashaariicda sanduuqa horumarinta Midowga Yurub EDF/Projcets uu ka wado dowladd gobaleedka Koonfur galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Dr Cali Macalin ayaa furitaanka kullanka goobjoog ka ahaa, sidoo kale waxaa qeyb ahaa Agaasimiyaasha guud Wasaaradahaah mashaariicda mdowga yurub la falgala iyo masuulayiin sare oo ka socday Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, iyada oo warbixin laga dhageystay Madaxda Wasaaraddaha mashruuca IlIED-ka qeybta ka ah iyo howlaha kale midowga yurub ka waddo dowladd gobaleedkan ee horumarinta, dhisnamaha dowladda hoose, Arrimaha bulshada, Adkeysiga Abaaraha , Amniga iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa lagu falanqeeyay mashaaricda mira-dhalay, caqabadaha jira dhinac walbo iyo qaabka loo dar-dargalin karo howlaha harsan ee horu-tebinta leh xiligan.