Howgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan.

Ciidamada ayaa ka war helay in maleeshiyaadka argagixisada ay isku aruursanayeen degaanka Qabno, waxaana halkaas argagixisada looga dilay Siddeed kamid ah, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka sifeyaan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa qeyb ka ah hoggaanka howlgallada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana intii ay socdeen howlgallada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Xubnaha Gudiga oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbixin si deg deg ah uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday Xarunta Golaha intii ay socotay ansixintii Xukuumadda.

Shalay ayu guddoomiyaha Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Golaha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, balse waxaa ka cudur daartay in uu kamid noqdo Xildhibaan kamid ahaa xubnaha Guddiga, hayeeshee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate.

  

Qaar kamid ah wasiiradda cusub oo xilalka la wareegay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Jamaac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiiru dowlaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiiru dowlihii hore Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa xilka kala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo waaxda Bii’adu ay hoos tagaysay.

Dhanka kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo  Fardowso Cusmaan Cigaal  ayaa  maanta xilka la wareegtay.

Shaqaaqadii 7-dii bishan ka dhacday golaha shacabka oo guddi loo saaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudan,e Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ee XFS cusub oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamza Cabdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salax Jaamac  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Guddoomiyaha gobolka mudug oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda UNHCR

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa xarunta gobolka mudug ku qaabbilay wafdi ka socday hay’adda UNHCR oo ay hoggaaminaysay madaxa cusub ee HEAD SUB OFFICE, Monique Rudacogora, laguna sagootinayay madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha maamulka gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka Gobolka mudug iyo Madaxa cusub ee taageeridda bulshada tabaalaysan ee gobolka mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta.

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) Monique Rudacogora iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan gurmadka loo sameynayo dadka abaartu ku saamaysay ee gobolka ku nool.

Soomaaliya iyo Yugaandha oo kala saxiixday heshiis ganacsi

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, mudane, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa dhiggiisa dalka Yugaandha, Hon; Mwebesa Francis, magaalada Kampala kula saxiixday heshiis is-af-garad ah oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale uu abuuraayo maalgashi iyo shaqo abuur labada dhinac ah.

Sidoo kale, wuxuu heshiiskani taaban doonaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, badda, xoolaha iyo warshadaha,iyadoo Soomaaliya ay noqon doonto marin ay dowladda Yugaandha u marto dhaq-dhaqaaqyadeed ganacsi ee waddamada Yemen, Itoobiya, Jabuuti, Hindiya iyo guud ahaan wadamada bariga dhexe iyo kuwa Aasiya.

Soomaaliya ayaa taasi beddelkeeda waxay ka faa’idaysan doontaa fursadaha ganacsi ee waddamada ku teedsan Gobolka harooyinka waaweyn (Great Lakes Region) iyo weli ba bariga iyo bartamadaha Afrika.

Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa ka wada tirsan ururadda iskaashiga ganacsi ee gobolka sida IGAD, COMESA , African Continental Free Trad Agreement, waxaana heshiiskani uu mar kale kor u qaadi doonaa fududeynta ganacsiga labada dal iyo is-dhex-galka dhinacyada dhaqaalaha iyo maal-gashiga.

Madaxweynaha JFS ayaa xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha

Madaxweynaha JFS,  mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha, kadib markii dhowaan dayactir ballaaran lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig jarka Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yugaandha, Ganacsato, Arday iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha iyo dayactirka Safaaradda, isagoo sidoo kale ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka.

Mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hooyada Soomaalinimadu ay tahay JFS cadowga nagu habsadayna aynu isnu iska dul qaadi doonno dhowaan, taas oo suurta gal ka dhigi doonto in ay dadka Jaaliyaddu usoo dalxiis tagaan iyaga iyo carruurtooduba.

Ugu dambayn, Madaxweynaha JFS mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dayactirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha.

XUSKA TODOBAADKA NAAS NUUJINTA.

1-da Bisha Agoosto sanad kasto waxaa caalamka lagu qabtaa munaasabad lagu xuso muhiimadda Naasnuujinta u leedahay Dhalaanka iyo Hooyada. Munaasabadda ayaa socota muddo toddoba cisha ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa 1-da Agoosto 2022 qabaty munaasabad lagu daahfuray Xuska Todobaadka NAAS NUUJINTA. Munaasabada waxaa horjoog u ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwa Xanifa Mahamed Ibrahim iyo Senator Zamzam Dahir.
Iyadoo la xusayo toddobaadka naasnuujinta adduunka ee sanadkan, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqay dadaal wadajir ah si loo hubiyo in hooyada iyo dhallaanka ay helaan jawi degan oo suurtagaliyo naasnuujinta.
Ujeedka Munaasabada ayaa ku aadanayd sidii kor loogu qaadi lahaa baraaruga bulshadda iyo wacyigelinta muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyadda ee naasnuujinaysa.
Waasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu ayaa shacabka Soomaaliyeed kula talinaysa in naas-nuujintu ay bilaabato saacadda ugu horeyso marku ilmaha u dhasho, waana in uu helaa naas-nuujin aan barax lahayn 6-da bilood ee ugu horaysa.
Baaqa sanadkan 2022 ayaa ku qotoma odhaahdan, “Aan u Istaagno Naas-nuujinta”
Istaraatiijiyadda nafaqada qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka 2020-2025, ayaa lagu sheegay in ay jiraan dadaalo lagu hiigsanayo in la kordhiyo tirada carruurta da’doodu u dhaxayso 0-6 bilood ee sida gaarka ah loo naasnuujiyo oo la gaarsiiyo in ka badan 50% marka la gaaro 2025.
Xogtii ugu dambeysay ee dowladda bixisay intii lagu jiray xuska asbuuca naasnuujinta ee 2021, kaliya 34% dhallaanka ka yar 6 bilood ayaa helo naas nuujin.
Caalamka shantii cunig kasta , seddex kamid ah ayaan la nuujin naaska saacadda ugu horeyso ee noolasha.
In ka badan 820 000 oo carruur ah ayaa la badbaadin karaa sannadkiiba haddii dhammaan carruurta si wanaagsan loo nuujiyo naaska 0-23 bilood ee noolashooda.
41% dhallaanka da’dude ka yar tahay 6 bilood ayaa si wanaagsan u helo naasnuujinta 2 sano ee ugu horeyso.

Dr. Maxamud Sheekh Cabdi Axmed waa dhaqtar ku taqasusay Internal medicine and radiology departments, waxaa uu Wargayska dalka u qayaxayaa waxa ay tahay Naasnuujin.
“Naasnuujinta waa habka caanaha naaska hooyada ku quudisa ilmaheeda yar ee dhashay. Ilmaha yar ee kunoolaa uurka hooyada oo nafaqa ka helijiray ayaa wali ubaahan in uu kutiirsansada caanaha hooyada si uu nafaqa iyo nolol caafimaad leh u helo. Ilmaha marka ay dhashaan jirkooda wuxuu bilaabaa shaqooyinkii xubinkaste qaban lahayd. Habdhiska dheefshiidka ilmaha yar saxarada ayay jiirtaan, ooyaan ama midibka wajigooda isu badalaa side guduud. Caloosha ilmaha yar aad ayay cabir ahaan u yartahay oo waxaa lagu qiyaasaa cabir Baliisha.”
Dr. Maxamud Sheekh Cabdi Axmed ayaa sheegay in darbiyada calosha dhalaanka aysan fidikaran. Caanaha danbarka ah ee hooyada inta ay la’egyihiin ayay caloosha ilmaha cabirkeeda la ekaataa. Cabirka caloosha ilmaha waysii korortaa oo waxay gaartaa cabirka Kubada Teeniska ah malinta Todobaad (7) illaa Tobnaad (10) dhalashada ilmaha kadib.
Sidookale Dr.Maxamud Sheekh Cabdi Axmed waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in hooyada xiliga ay nuujineysa ilmaheeda aysan ku mashquulin ama ka fakirin waxkale sababtaa ayuu ku sheegay in ay tahay ‘niyada oo ay hooyada si galgacey leh usiiso cunuga ay caana badan ku yimaadaan’.

Haddaba Diinta Islaamka maxay ka qabtaa in cuniga naaska la nuujiyo muddo 24 bilood ah?
Dr. Haaruun Sheekh Xuseen Cabdi, Madaxa Waaxda Shareecada ee kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islamka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Wargayska dalka u sheegay in Shareecada Islaamka dhiiragalisay naasnuujinta.
“Shareecada Islaamka runtii aad ayay u dhiiragalisay in hooyada naaska nuujiso cuniga. Waa arrin banaan oo ay shareecadu baneysay. Alle (S.W) waxaa uu Qur-aankiisu ku yiri “ Hooyooyinku waa in ilmahoodu nuujiyaan laba sano oo kaamil ah”. Marka Sharcigu sidaas ayuu jideeyay 1400 oo sano ka hor waana mida keentay in hay’addaha caafimaadka iyo ururada u dhadhaqaaqo caafimaadka ay ku booriyaan bulshada in hooyooyinku caruurtoodu naaska nuujiyaan.” ayuu yiri Dr. Haaruun Sheekh Xuseen Cabdi.

Waajib miyaa nuujinta cuniga muddo 24 bilood?. Sheekh Haruun ayaa suashaan kaga jawaabay arragtiyo badan.

“Waxaa Waajib ah in hooyadi nuujiso cuniga haddii ilmuhu diido in wax kale uu cabo oo uu naaska hooyadu kaliya uu rabo. Waxaa kale oo banaan in dumar kale ku nuujiso oo uu ninku lacag ka bixiyo. Alle (S.W) waxaa uu leeyahay “ Qofka loo dhalay ee ninka ah waxaa laga rabaa ilamaha qofka nuujinaayo masruufkiisa inuu bixiyo. Waxaa kale oo cuniga nuujin karo dumar kale oo laga helaayo nafaqada nuujinta laakiin waxay noqonaysaa hooyo oo kale. Alle (S.W) wuxuu yiri “ Waxaa Xaram idinka ah inaad guursataan hooyooyinkiin idin nuujiyay naaska”. Marka Haweeneydu haddii ay cuniga naaska nuujiso oo aysan dhalin waxay noqonaysaa hooyo. Laakiin waxaa shardi ah in ilamaha lanuujinayo da,diisu aysan dhaafin labo sano markaas ayay nuujintu saamayn leedahay. Waxaa kale oo shardi ah; in shanjeer ama wixii ka badan uu cuniga jiqo/nuuga naaska hooyada oo uu iskiis kaga dhargo. Markaa cunigaa naagtaas ma guursan karo, ilmaheedana walaal camal ayay u yihiin, ninkeedana aabo camal ayuu u noqonayaa, walaalaheed abtiyaal ayay u noqonayaan, ninka walaalihiis adeer ayay u noqonayaan.”

Malaga yabaa in ay karaahi noqota nuujinta naaska ee cuniga yar? Dr. Haaruun Sheekh Xuseen Cabdi, Madaxa Waaxda Shareecada ee kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islamka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa markale ka jawaabaayo suashaan.

“Mararka qaar kood waxaa dhici karto in cuniga naaska la nuujiyo ay karaahi noqon karto. Ilmaha muslimka ah in naag gaal ah nuujiso waa arrin laga fiicanyahay ama haweeney saaniyad ah ama dhaqan xun in ay nuujiso.”

Xigmadda ku jirta Naas nuujinta. Sheekh Haruun waxaa uu qabaa in xigmada badan ay ku jirto naasnuujinta waxaa uuna ku soo koobay:

1: Baahida: Alle (S.W) waxaa uu abuuray baahiyaha Ilmaha, wixii uu ku noolaanlahaana wuxuu ka dhigay naaska.
2: Xoojinta Ilmaha yar iyo hooyadii: Xigmadda labaad ee Alle (S.W) ugu talagalay naasnuujinta waa in uu ku xoojiyo ilmaha yar iyo hooyadii. Hooyada oo markii hore laga abuuray cuniga dhacaankeeda ayaa haddana koritaankiisa waxaa la galiyay dhacaankeeda oo uu ku korayaa oo lafihiisa ku adkaanayaan. Waxaa uu sii xoojinayaa jaceelka, caadifada iyo isku dhawaanta.

Haddaba heerar noocee ayay maraan Caanaha Naaska Hooyada? Dr. Maxamud Sheekh Cabdi Axmed ayaa noo sharaxaayo heerarka kala gidisan ee ay maraan caanaha naaska hooyada.
1.Caanaha danbarka ( Colostrums) : waa caanaha ugu horeeya ee maalmaha hore. caanahaan waa kuwa adag oo midib huruud ah leh. waxaa ku jira Brutiino (proteins) , Diffaaca jirka ( antibodies) fitamiino (Vitamins ) iyo Macaadino (minerals).
2. Caanaha Adoolada/dhayda (Transitional milk) : waa caanaha ku xiga danbarka ka bilaabato malinta labaad (2) ama afaraad(4) dhalashada kadib. Waa caano qafiif ah oo midab cadaan ah leh. Caanahaan waxaa kubadan duxda (fat), tamar (colories), Buritiino ( Proteins), sonkor (lactose) iyo fitamiino (vitamins).
3. caanaha Gibaan/ waraasi/galax/ ( mature milk): Waa Caanaha heerka sadexaad kanabilowda maalinta tobnaad (10) ilaa shan iy tobnaad (15) dhalashada kadib waxayna kubilowdaan biyo midabkooda buloog ah (foremilk) kadibna cadaan ayay isu badalaan (hindmilk) caanahaan waxaa kusii bata duxda( fat).
NOOCYADA NAAS NUUJINTA
1.Caanaha baraxla’a /kaliya ( exclusive breastfeeding ): Waa caanaha naaska hooyada oo lasiiyo xilikasta oo cuna ubahada ilmaha iyada oo aan lasiin wax kale.

2.Caanaha naaska iyo caanaha macmalka ah (partial breastfeeding ): Waa caanaha naaska hooyada iyo caanaha macmalka/Gacankusameyska ah ama caanaha xoolaha oo la’islasiiyo ilmaha yar.
3.Caanaha naaska iyo cunada adag (complementary breastfeeding ): Waa caanaha naaska hooyada iyo cunooyinka caadigah oo ilmaha lalasiiyo wixii kadambeyo lixda bilood ee uhoreysa.
4.Nuujinta Qanaacada ( comfort Nursing ): Waa naasnuujin lagu qancinaaya ilmaha yar isaga oo aan u bahneyn wax dheef gaar ah laakin waa ilma xanuunsan oo ku qanco nuujinta hooyada.
FAA’IIDOOYINKA NAASNUUNINTA ILMAHA YAR
Caanaha Naaska wuxuu siiya ilmah Nafaqa dhamaystirin sidaas darteet waxaa wanaagsan in ilmaha lixda bilood oo u horeyso lasiiyo naasnuujin baraxla’a (exclusive breastfeeding ) sababtoo ah walxaha kujira caanaha hooyada way isbadalaan sida ilmaha ugu baahan yihiin isbadalka jirkooda iyo dheeftooda qaasatan xiliga hore ee noloshooda.
Caanaha Naaska hooyada waxaa ku jiro unugyada difaaaca jirka (antibodies/ immunoglobulin A (IgA),) oo muhiim u ah ilmaha yar waxayna ka difaacaan Jeermisyada daraskunolayaasha ah sida Bakteeriyada, Fayrisyada iyo kuwa kala ay ladagaalaan qaasatan caanaha dambarka hooyada.
Ogow in caanahan u horeeya ay diinteena islaamka ku waajibisay hooyada in ay nuujisa ilmaheeda.
Naasnuujinta baraxatiran waxay yareeysaa qatarta xanuuna ban iyo cudura ay kamid yihiin:
❖ Caabuqa dhagaha iyo habdhiska neefmareeka sare.
❖ Caabuqa dheefshiidka iyo dhaawaca mindhicirada
❖ Dhimashada deg dega ah (Sudden infant death syndrome (SIDS) )
❖ Waxay Kala oo yareysaa xasaasiyada
❖ Macaanka nooca kobaat ( Type 1 diabetes )
❖ Kansarka dhiiga
❖ Caanaha Naaska waxay hormariyaan miisaan cafimaad leh. Caanaha waxaa kujira Leptin maada layraahdo taas oo hagaajisa kaydinta duxda(fat storage iyo cunta furida (appetite) sidaa darteet waxay wax u cunaan illaa inta ay baahidoda ka qancaan manalahan cayil dheeri ah.
❖ Naasnuujinta waxay ka dhigtaa ilmaha kuwa farxasan oo qurxoon. Cilmi Baaris Badan ayaa cadeysay in ilmaha naaska laku koriyay leeyihiin caqlibadan iyo dabeecad fiican taasoo ka caawisa maareenta caqabada badan.

FAA’IIDOYINKA HOOYADA ULEEDAHAY NAASNUUJINTA
1. Miisaan dhimida hooyada.
Naasnuujinta waxay ka caawisaa hooyada miisankeeda oo hoos udhaca markii loo eega dumarka kale ee la midka ah sababtoo ah nuujinta waxay gubtaa dufanka badan eejirka.
2. Naasnuujinta waxay ka caawisaa hooyada aruurint minka.
Minka cabirkiis wuu fidaa xiliga uurka sababtoo ah waxaa kubato hormoonka loo yaqaan oxytocin xiliga uurka oo dhan. Jirka hooyada wuxuu soo saaraa xadi badan oo Oxytocin ah xiliga foosha si ay u caawiso dhalmada iyo in ay yareyso dhiigbaxa. Oxytocin ka xiliga naasnuujinta waxaa lasoo saaraa xadibadan illaa uu minka kusoo celiyo cabirkiisii hore si deg deg ah iyo in uu hooyada kayareeyo dhiigbaxa badan.
3. Hooyoyinka Naasnuuujinta sameeyo waxaa hoos udhacada qatarta waalida (postpartum depression (PPD).
Waxaa la ogaaday in hooyada ilmah nuujisa aysan qaadin cudurka waalida ah markii lala barbardhigo hooyoyinka aan nuujin ilmaha yar markey dhashaan.
4. Naasnuujinta waxay yareysaa khatarta cudurada.
Naasnuujinta xiliga dheer waxay yareysaa kansarka naasaha, ugxam sidaha iyo cudurada ay kamidyihiin; Dhiikarka, dufanka dhiiga, macaanka iyo cudurada wadnaha.
5. Naasnuujinta waxay ka hortagtaa caadada.
Joogtaynta xiliga naasnuujinta waxay hakisaa soo saarida ugxanta iyo dhiiga caadada taas oo keenta kala fogeynta ubadka.
6. Naasnuujinta waxay badbaadisa lacagta iyo waqtiga.
Hooyada nuujisa ilmaha waxaa ubadbaado :
➔ lacagtii caanaha macmalka/Gacankusameyska ah
➔ Nadaafadda iyo karkarinta masaasadaha
➔ Caana qasida iyo karkarinta masaasada saqda dhexe habeenkii
➔ Waxay siisaa hooyada xisaabinta intajeer uu ubahanyahay caanaha ilmaheeda.
➔ Caanaha naaska marwalba waa kuwa udiyaarsan cabitaanka iyo heerkul ku haboon.
CAQABADAHA NAASNUUJINTA
Hooyooyin badan iyo caruur tiro ah ayaa nolol xuma iyo daryeel Qatar caafimad kala kulma arimahan iyo kuwa kaloo badan.
Caana yaraan: Hooyoyin badan ayaa ka walwalsan in ay ku yaryihiin ilmahooda caanaha naaska.
Naasdiidid/caagane: Waa marka ilmaha yar diida naaska bila yar kadib ama markuu dhasho.
Latacaalida Qiimaynta: Waxaa jiro dad badan oo lataliyo hooyooyinka ku cusub dhalmada siiyana talooyin caafimaadka lid ku ah.
Xirmida tubooyinka naaaska: Waxaa xirma ama nabrayeesha ibaha naaska taasoo horseedda danqasho iyo in caana badan ka imaan waayaan.
Hababka qabsashada ilmaha yar: Hooyooyinka waxaa caqabad ku ah habka ilmaha loo qabsado taas oo keenta in labadanaas isku si ugu nuujin waayaan kadibna mid ka caana yareeyo xili hore.
WQ: Mohamed Ibrahim Salat.

Shacabka Kenya oo saakay u dareeray goobaha cod bixinta

Nairobi- Saakay oo Talaada ah waxaa dalka Kenya looga dareeray goobaha cod bixinta si shacabku uu u doorto madaxweynaha hoggaamin doono shanta sana ee soo socota.

Loollan adag ayaa lagu wadaa inuu dhex maro labada musharrax ee Raila Omolo Odinga anha hoggaamiyaha xisbiga ODM iyo madaxweyne ku xigeenka uu xilka ka dhammaaday ahna guddoomiya UDA, William Ruto.

In ka badan 22 milyan oo Kenyan ah ayaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan. waxaa la adkeeyay ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan goobaha cod bixinta, waxaana halkaasi ku sugan korjoogto caalami ah si ay u qiimeeyaan xaaladda doorashada.

Kenya oo xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska 1963-kii waxaa soo martay afar Madaxweyne oo kala ahaa, Jomo Kenyatta, Daniel arap Moi, Mwai Kibaki iyo hoggaamiyaha uu haatan xilka ka dhamaaday ee Uhuro Kenyatta.