Ra’iisul wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Mudane Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo  qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta. 

Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u furay cutubyo ka mid noqonaya Boliiska Galmudug

Cadaado- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa maanta xero ku taalla degmada Cadaado tababar uga furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadaan ciidanka ah ee tababarka uu u furmay, isagoo wasaaradda amniga Galmudug ku amaanay xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa faray saraakiisha tababarka siinaysa ciidankaan in ay u dhameystiraan adeegyada ay u baahanyihiin, si ay uga mid noqdaan ciidanka booliska Galmudug.

     

Madaxweynaha dalka oo ka warbixiyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Yugaandha

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Yugaandha.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweynaha ayaa xusay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yugaandha , kaasi oo ku salaysan Taariikhda aan wadaagno iyo danaha innaga dhexeeya, sare u qaadidda cilaaqaadkaasi ayuu sheegay inay ka tarjumeyso dareenka Afrikaannimo iyo kan walaaltinimo ee dalalka bariga Afrika.

Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay doorkii ay Dowladda Yugaandha ka qaadatay la dagaallanka Argagixisada, isagoo sheegay inay taasi abaal weyn ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in dadka Soomaaliyeed ay ku fiican yihiin ganacsiga, sida warshadaha, dhulka, is-dhaafsiga badeecooyinka,wax soo saarka iyo kobcinta dhaqaalaha, dadka reer Yugaandhana ay kusoo dhoweynayaan.

Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa dhowaan gaaray heshiis iskaashi ganacsi ah, kaas oo wax badan ka tari doona sare u qaadidda dhaqaalaha labada dal, mashaariicda maalgashi iyo shaqa abuurka bulshada labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray go’aanno la xiriira ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa soo saaray go’aanno muhiim ah oo la xiriira ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka.
Fadlan ka akhri go’aannada lifaaqan hoose.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB GALAY FURITAANKA MADASHA GANACSIGA SOOMAALIYA IYO UGANDA

Kampala-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mudane Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Mudane Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

                                  

Ra’iisul wasaare ku -xigeenka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Caafimaadka iyo Wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marwo Foosiyo Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub  ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Xaaji Aadan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiirkii hore, shaqooyinkii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabatay. Isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus.

           

Wasiirka Cusub Ee Amniga oo Xilka Lawareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

    

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS gaarsiiyay Sultaanka Dawlada Cumaan

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Md, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Federaal, Mudane Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq.

Waxaa dhanbaalka ka gudoomay ergayga Sayyid Shihab bin Tariq Al Said oo ah Raysalwasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhiga.

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka ku wehliyey sii haya safiirka Soomaaliya ee Cumaan, Cismaan Axmad Maxamad iyo Xasan Qorane oo ah la taliyaha ergeyga ee arrimaha carabta.

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto NATO

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in go’aanka Dowladaha Finland iyo Sweden ee ku saabsan ku biirista NATO ay xoojin doonto howlaha isbahaysiyada.

Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray galinkii danbe ee shalay in ku biiritaanka NATO, Dowladaha Finland iyo Sweden ay gacan ka geysan doonto xoojinta xasiloonida adduunka, waxuu intaa ku daray in ku biiritaanka dalalkan ay NATO kaga dhigantahay guul laga gaaray arrimaha dagaalka Ukraine.
Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidokale sheegtay in ku biiritaanka NATO ee dalakan ay muujineyso sida Washington ay uga go’an tahay gacan ku haynta ammaanka Yurub.

Tani ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Biden uu ansaxinta codsiyada Dowladaha Finland iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO, tallaabadaas oo lagu ballaarinaayo isbahaysiga reer galbeedka si looga jawaabo howlgalka milatari ee Ruushka uu ka wado Ukraine.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Warshadaha Soo Saara Qalabka Ciidamada Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.