Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS gaarsiiyay Sultaanka Dawlada Cumaan

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Md, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Federaal, Mudane Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq.

Waxaa dhanbaalka ka gudoomay ergayga Sayyid Shihab bin Tariq Al Said oo ah Raysalwasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhiga.

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka ku wehliyey sii haya safiirka Soomaaliya ee Cumaan, Cismaan Axmad Maxamad iyo Xasan Qorane oo ah la taliyaha ergeyga ee arrimaha carabta.