Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-aad ee Israac oo dhexmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisi doona muddo ku siman 30-Cisho si loo muujiyo bilicda waddadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay dhismaha waddadan mid muhiimad gaar ah u isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin adag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhismaha Waddada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaano muhiim ah laga saaray

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  beryahaanba howgallo ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa kala wareegay degaanno ay gacanta ku hayeen muddooyinkii danbe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA, Booliska Hirshabelle iyo Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa si wada jir ah u wada Hawlgalkan dib loogu Xoreynayo degaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgalkan lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab oo dhibaatooyin Xooggan ku haya Shacabka ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka Hiraan.

Saraakiisha Ciiidamada iyo Masuuliyiinta Maamulka gobalka ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalkan ka socda gobolka Hiiraan, iyadoo ku dhawaad 10 degaan lagala wareegay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo u dhaxeeya Matabaan iyo Maxaas.

Salmaan Rushdi:Nin ku can baxay isalaam naceybka oo lagu dhaawacay New York

Salman Rushdie, oo ah qoraa u dhashay dalka Hindiya, isla markaana ka dambeeyay daabacaadda buug lagu aflagaadeynayo islaamka oo la qoray 40-sano ka hor, ayaa maalinimadii shalay lagu dhaawacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Booliisku ayaa xaqiijiyay in Rushdie uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qoorta iyo caloosha,kadib markii nin dhallinyaro ah uu ku weeraray middi .xilli uu khudbad ka jeedinaayey masrax ku yaalla Koonfur-galbeed Magaalada New York.

Booliska ayaa caddeeyay in la hayo eedeysanihii ka dambeeyay weerarkaasi,kaas oo magaciisa lagu sheegay Hadi Matar oo 24 jir ah kana yimid Gobolka New Jersey.

Andrew Wylie, oo ah wakiilkiisa buug, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Salmaan ay u badan tahay inuu waayi doono hal il,kadib kolkii uu go’ay xididka neerfaha,waxaana sidoo kale uu tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray beerka.

Iiran ayaa sannadihii 1980-kii soo saartay fadwo lagu dili karo qoraaga Salmaan Rushdi,kadib markii uu qoray bug lagu aflagaadeynayo islaamka oo uu ugu magac daray aayadaha sheydaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo baaq nabadeed u diray Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Soomaaliland.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in waxa kaliya ee looga baaqsan karo rabshadaha iyo xasaradaha taagan ay tahay in la wada fariisto oo la wada hadlo si xal looga gaaro isfaham-waaga jira.

“ Waxa kaliya oo aad uga baaqsan kartaa waxay tahay inaad wada fariisataan, wada hadashaan, horayna aad u socotaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxda mucaaradka,hoggaanka maamulka,dhaqanka iyo Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ugu baaqay in waxa socda wada hadal lagu dhammeeyo, wuxuuna ku adkeeyay shacabka Somaliland in ay  ilaashadaan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Ra’iisul wasaare Xamse Barre oo baaq nabadeed u diray masuuliyiinta maamulka Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa baaq nabadeed kasoo saaray rabshadahii ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland, isaggoo ka tacsiyadeeyey Khasaaraha kala duwan ee ka dhashay qalalaasaha.

“Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo.
Waxaab leeyahay intii dhimmatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebbe ha u booga dhayo.

Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta.
Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay kala dhex galaan xalna u raadiyaan tabashooyinka jira si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.

Ugu dambeyn walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland” ayuu yiri R/wasaare Xamsa

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey Qaraxyo argagixisada ay ku dhibaateen rabeen shacabka

Iyadoo Gobolka Hiiraan ay Ka Socdaan Hawlgalo lagu Baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay fashiliyeen Miinooyin Argagixisadu Rabeen In ku waxyeeleeyaan Dadka shacabka ee isticmaala Wadada xidhiidhisa deeganada Kalabayr iyo Jiracle Ee Gobolka Hiraan.
 
Dhinaca kale Ciidanka Xoogga oo kaashaanaya dadka deegaanka ayaa weeraray Goob ay Ku dhumaalaysanayeen Haraadiga Argagixisada, taas Oo dhinaca Galbeed uga beegan Degaanka Hees oo dhawaan laga xoreeyey Argagixisada, waxaana ciidanka ay halkaas ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, iyaggoo ka furtay Hub Sida Warbaahinta u Xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Mohamed Tahliil Biixi oo Hogaaminaya Hawlgalkaan lagu baacsanayo Argagixisada ee Ka Socda Gobolka Hiiraan.
  

Turkiga oo lagu qabtay Kullan ciyaareed lagu soo dhoweynaayey wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Barre Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulamkaan oo sidoo kale ahaa mid loogu hambalyeynaayey wasiirka cusub,waxaa ka qeyb galay Wariyeyaal, Fannaaniin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada.

Qaar kamid ah ciyaartoydii kullanka ka qeybgalay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u hambalyeeyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, iyagoo ka codsaday in uu ka shaqeeyo Midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa kamid ah Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana ay ansxiyeen Golaha Shacabka ee BFS, isagoo noqonaya Wasiirkii u horreeyay ee dhallinyaro ah oo loo magacaabo Wasaaradaan.

Dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo wajahay dadka ku dhaqan Bariga Mudug

Bulshada ku dhaqan deegaanada Bari ee gobolka mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bini aadanimo ee soo wajahay dadka iyo xoolaha.

Maamulka iyo qaar kamid ah shacabka deegaanka Fayuuke ayaa warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegay inay jirto xaalad ka dhatay abaarta Gobolka mudug  ka jirta  mudada ku dhow 5-ta sano .

Qaar ka tirsan Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in ay dadka iyo duunyaduba ku dhaqan halkaasi ay iminka soo foodsaartay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiyaasha Bandarqaali iyo Fayuuke ,Sh Muxuyidiin iyo C/risaaq ayaa xaqiijiyay in deegaanada Bariga Gobolka mudug ay ka jirtaan  xaalado biniaadanimo oo u baahan ghurmad degdeg ah.

Hey’adda samofalka oo ku baaqay in wax loo qabto dadka ku barakacay abaaraha Soomaaliya

Abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya ayaa gaartay heer aan hore loo arag, taasoo keentay in hal milyan oo qof oo gudaha dalka ah hadda loo diiwaan geliyo inay barakaceen, sida ay Khamiistii sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barokacay gudaha Soomaaliya sababo la xiriira roob la’aanta daran ee sanadkan, waxayna tirada guud ka dhigeysa hal milyan tan iyo bishii Jannaayo ee la soo dhaafay  zilligaasi oo  ay bilaabmeen abaaraha, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saareen UNHCR iyo Norwegian Refugee Council (NRC).

Tirada dadka wajahaya dhibaatooyinka heerka gaajo ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor uga  kacdo ilaa shan milyan oo ay gaarto in ka badan toddobo milyan bilaha soo socda,taasoo ay uga sii dartay saameynta isbeddelka cimilada, iyo sare u kaca qiimaha cuntada ee ka dhashay iskahorimaadka Ukraine.

Sarkaalka u hadlay UNHCR ayaa yiri “Beesha Caalamku waa in ay kor u qaaddo badbaadinta nolosha oo ay taageerto jawaabta bini’aadantinimo ee ka soo yeeraya Soomaaliya..

Bishii Juun ee la soo dhaafay hey’adda UNHCR waxay ku dhawaaqday inay u baahan tahay 9.5 milyan oo doolar oo loogu talagalay Soomaaliya, taasoo qayb ka ah codsiga  gobolka Geeska Afrika, si loo caawiyo bulshooyinka soo barakacay ee ay saameeyeen abaarihii ba’naa.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.

Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol,  si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.