Turkiga oo lagu qabtay Kullan ciyaareed lagu soo dhoweynaayey wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Barre Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulamkaan oo sidoo kale ahaa mid loogu hambalyeynaayey wasiirka cusub,waxaa ka qeyb galay Wariyeyaal, Fannaaniin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada.

Qaar kamid ah ciyaartoydii kullanka ka qeybgalay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u hambalyeeyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, iyagoo ka codsaday in uu ka shaqeeyo Midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa kamid ah Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana ay ansxiyeen Golaha Shacabka ee BFS, isagoo noqonaya Wasiirkii u horreeyay ee dhallinyaro ah oo loo magacaabo Wasaaradaan.