Ciidanka Xoogga oo fashiliyey Qaraxyo argagixisada ay ku dhibaateen rabeen shacabka

Iyadoo Gobolka Hiiraan ay Ka Socdaan Hawlgalo lagu Baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay fashiliyeen Miinooyin Argagixisadu Rabeen In ku waxyeeleeyaan Dadka shacabka ee isticmaala Wadada xidhiidhisa deeganada Kalabayr iyo Jiracle Ee Gobolka Hiraan.
 
Dhinaca kale Ciidanka Xoogga oo kaashaanaya dadka deegaanka ayaa weeraray Goob ay Ku dhumaalaysanayeen Haraadiga Argagixisada, taas Oo dhinaca Galbeed uga beegan Degaanka Hees oo dhawaan laga xoreeyey Argagixisada, waxaana ciidanka ay halkaas ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, iyaggoo ka furtay Hub Sida Warbaahinta u Xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Mohamed Tahliil Biixi oo Hogaaminaya Hawlgalkaan lagu baacsanayo Argagixisada ee Ka Socda Gobolka Hiiraan.