Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjoogihii Argagixisada Al-shabaab u qaabilsanaa Degmada Maxaas iyo degmooyinka hoos taga

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed oo kashanaya Ciidanka degaanka ee Macawislayda ayaa Argagixisada kala wareegay degaananda kala ah teedaan,ragso,xasan raqay,sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Intii Hawlgalku socday Argagixisadu waxay isku dayeen iska caabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay wax la qabtay waxa la sii baacsanayo Waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii Argagixisada u qabilsanaa degaan kaas oo lagu magacabay maxamed weheliye Waasuge sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Mohamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya Gobolka Hiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada Qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo Maamulka Gobolka Hiraanka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo qaabbilay madaxa WFP ee waddamada bariga Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa hay’adda WFP ee bariga Afrika,Michael Dunford oo ay wehelinayeen masuuliyiin sarsare oo uu ka mid yahay madaxa WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Dalie.

Waxay ka wada-hadleen sidii loo caawin lahaa qoysaska tabaalaysan iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyagoo wada-jir u xaqiijiyay xoojinta wada shaqaynta wasaaradda iyo WFP ee dhinacyo kala duwan leh.

“WFP waxay door muhiim ah ka ciyaartaa taageeridda si aan gargaar u gaarsiino dadka aadka ugu nugul saamaynta abaarta. Waxaan rajeyneynaa inan ballaarinno iskaashiga si aan wax uga qabanno taageerrada Bulshada .” ayuu yiri Wasiir Bihi Iman Egeh .

Madaxa hay’adda WFP ee bariga Afrika,Michael Dunford ayaa dhinaciisa boggaadiyay dadaallada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee horseeday in taageerri dhaqaalo oo dheerad ah loo helo qoysaska ay abaartu saamaysay iyo kuwa nugul. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Wasiir Biixi , sida ay uga go’antahay in la ballaariyo dadaallada wax u taraya Bulshada.

WFP ayaa ah hay’adda QM ee wada shaqeynta u ballaaran ay wadagaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyagoo ka taageerra gudbinta lacagaha caddaanka ah ee loogu talagalay qoysaska ka faa’iideysta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Bulshada nugul ee Baxnaano. Barnaamijkan waxaa qayb ka ah taageerrada deg degga ah ee Dadka uu Ayaxa saamaayay iyo marxaladda xilligan lagu jirto ee qoysaska abaarta u nugul.

Madaxweyne Xasan sheekh oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee qaabilsan dallada Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Guddoomiyey Kulan howleedkii u horrayay ee waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedka Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horrayay tan iyo markii uu xilka la wareegay 11 bishan Agoosto ,2022.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda ee sannadkan iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa qorshe howleedka Wasaaradda.

Wasiir Biixi limaan Cige, oo ku boggaadiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Biixi limaan Cige.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Mudane , Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayey Xukuumada cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynaaye Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ku dhaqan ay soo dhaweyn iyo garab istaag u muujinayaan Xukuumada cusub ee uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Bare.

    

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta guddoomiyey Shirka golaha wasiiradda Hirshabeelle.

Shirka golaha ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, dardargalinta dhismaha goleyaasha deegaanka iyo mashaariicda horumarinta Beeraha.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo laga gaaray guulo muhiim ah, iyadoo nabad-diidka laga xureeyay deegaaano badan.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo Wasaaradu sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Golaha u soo gudbisay Warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, Wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista bariiska iyo dalagyada kala duwan oo faaiido wayn u leh bulshadeena.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxda Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland, ka qayb-qaadashada gurmadka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo maamulka Puntland.

Ciidamada Danab oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ayaa waxay howlgalo miino baariis ah ka sameeyeen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii waddooyinka ay isticmaalaan shacabka looga nadiifin lahaa miinooyinka ay argagixisadu ku aaseen si ay ugu dhibaateeyaan shacabka socotada ah.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay wadada u dhaxeeysa magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo-xaaji, halkaas oo todobaadkii hore nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qarxiyeen 8-gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaaso oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Intii uu howlgalku socday, ayaa waxa ay ciidanku qarxiyeen 7-miino oo dhagar qabayaasha waddada dhinaceeda ku diyaariyeen si waxyeelo uga geystaan shacabka maraya waddadaas.

 

Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sucuudiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliyo iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay ayaa lagu qabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Bisha cas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay lataliyaha koowaad, ahna sii-hayaha safaraadda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Mudane Abshir Warsame Diirshe, waxaana shirka si gaar ah looga lafaguray xaaladaha ba’an ee abaarahu ay sababeen iyo sidii ay hay’adaha Bisha cas iyo Laan-qeyrta cas gacan uga gaynsan lahaayeen gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Mudane Abshir Warsame Diirshe oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay garab istaagaan dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in caalamka u gurmad deg deg ah sameyn doono.

Dowladda Federaalka oo kaashanaysa hay’adaha gargaarka ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo u qareemidda gurmadka abaaraha.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay shaqada ka socota garoonka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta kormeeray Qaab-dhiska iyo howlmaalmeedka Qeybaha terminaalka dhoofka Dibedda iyo Gudaha iyo howlaha Guud ee ka socda Garoonka Aadan Cabdulle.

WasiirkGaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigale, Wasiiru dowle Maxamed Cumar “Caano nuug” iyo Wasiir Ku Xigeenka Sulub Axmed Firin, iyagoo warbixinno howlaha garoonka iyo sugidda Amniga ka dhageystay Maareeye Ku-xigeenka maamulka garoonka Duuliye Caydaruus Axmed Kaahiye.