Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayey Xukuumada cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynaaye Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ku dhaqan ay soo dhaweyn iyo garab istaag u muujinayaan Xukuumada cusub ee uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Bare.