Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta caafimaadka Afrika

Darusalaam- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay  horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan oo uu hal ku dhiggiisu ahaa “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” ayaa waxaa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo  ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada,  iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.

Shirkan oo ahaa mid miro dhal ah ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DIB UGU SOO CELIYEY SAADAQ CUMAR MOHAMED DARAJADIISA CIIDANNIMO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed  Jamaac, ayaa xilalka u kala wareejiye wasiirkii hore ee Wasaaradda gargaarka iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha munaasabad ku qabsoomtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,Gargaarka iyo masiibooyinka ayaa hore u ahayd wasaaradd.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Wasiirkii hore Gargaarka iyo Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay taasi oo hoos imaanaysa Xafiiska Wasiirru-dowlaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in masiibooyinku yihiin wax laga ducaysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaar garoobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masiibooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, shaqadii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaaminaysay, isagoo Wasiiru-dawlaha Alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka u fadhiya Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Hir-Shabeelle oo magacaabay wasiir Cusub

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Mudane Axmed Sheekh Nuur Cabdi ( Cirro) u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga isagoo sidoo kale Mudane Axmed Maxamed Tuuryare u Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed Ibraahim Biano, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta KG iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray maanta degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Ujeedada Safarka Masuuliyiintaan ayaa ah  u kuur galida Xaladda Guud ee Degmada iyo Diinwan gelinta Ciidanka Daraashiista maamulka KG ee kusugan Berdaale.

Mas’uuliyiinta ayaa Maamulka Degmada iyo Sarakiisha Ciidanka  ku soodhaweyey Degmada Berdaale,waxaana ay kormereen xafadaha iyo goobaha bulshada iskugu Timaado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta XFS Mud.Axmed Macalin Fiqi oo maalintii labaad ka dhagaystay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Warbixino ku saabsan howlaha shaqada ee Wasaaradda iyo qorshayaasha u hortebinta u leh shaqada Wasaaradda.
Wasiirka Waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Mudane Ilyaas Ali Hasan iyo Wasiiru Kuxigeenka Wasaaradda Amb.Abdixakiim Hasan Ashkir waxaana kulankaan warbixino looga dhagaysatay qaybaha Xasalinta, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee wasaaradda.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku baaqay in gurmad lala gaaro dadka ay Abaartu ku sameeysay degaanada Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka qeyb galayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Cadaado oo lagu xusayo 14 Agoosto oo ku beegan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la Aasaasay Dowladda gobleedka Galmudug.ayaa sheegay in dad Reer Galmudug ay u baahan yihiin waxkasta oo keeni kara in uu horumaro Maamulkooda.

Madaxweyna ayaa  sheegay in dal walba ama degaan kasata markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed, Isla markaana reer Galmudug u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed & mid amni.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaa hadalkisa ku daray in dadka looga baahanyahay in ay noqdaan kuwa u hoggaansama sharciga si Galmudug ay u noqoto meel dadka ku kalsoon yihiin.islamarkaan sameeysa hormar fiican.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa dadka wax heysta ugu baaqay in ay u soo gurmadaan walaalahoda abaartu ku heysato degaanada Maamulka Galmudug,dowladana ay dhankeeda ka qeyb qaadan doonto sidii dadka gurmad loola gaari lahaa.

ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA OO DHAMBAAL MADAXWEYNE GAARSIIYAY URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.