Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.

Wasiirka iyo safiirka ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Golayaasha deegaanka ee dalka. Wasiirka arrimaha gudaha ayaana sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada uu Mareykanku u muujiyay Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr.bLarry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xureynta dhulalka cusub iyo xoojinta maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.

  

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNAHA DOORAN EE DALKA KENYA OO KHADKA TALEEFANKA KU WADA HADLAY

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la taliyaha arrimaha maamul wanaaga iyo tayeynta Baarlamaanka magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la taliyaha xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee Arrimaha maamul wanaaga iyo tayeynta Baarlamaanka u magacaabay Xasan Abshir Maxamed.

Wasiirka maaliyadda XFS oo ka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhammaystirka deyn cafinta Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhamaystirka deyn-cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

“Waxa aan shirka muddada uu socdo ku lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta dakhliga gudaha, ayuu yiri Dr; Cilmi Maxamed.

Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay ka go’an tahay ka guul-gaaridda horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha gudaha oo la kulmay madax ka tirsan hay’adda USAID Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane, Ilyaas Cali Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Cabdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa ay Xarunta Wasaaradda kula  kulmeen wafti uu hoggaaminayo Mud. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada TIS+3/USAID Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayuu Wasiirka ka dhageystay Md.Iftikhar Ahmad iyo waftigiisa Warbixino ku saabsan hogaaminta dedaallada xasilinta  ee Hay’ada TIS+3/USAID.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa ballanqaaday in  Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso  Hay’ada TIS+3/USAID ee hoggaaminta barnaamijka xasilinta iyo dedaallada.

Ardayga keliya ee galay kaalinta koobaad Imtixaanka shahaadiga ee la qaaday

Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo ka baxay Iskuulka Iftin degmada Warta-nabadda gobolka Banaadir ayaa noqday ardayga galay kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada sare ee dalka.

Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo ay ka maqan yihiin maamullada Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa gashay  32,325 arday oo u dhiganta 97%,Waxaa ku dhacday  Imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

Ardayda gudubtay oo aytiradoodu ahayd 32,325  ayaa waxaa kaalinta koobaad galay oo keliya Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo wax ka barta dugsiga sare ee Iftin, isagoo hoggaanka u haya 10-ka Arday ee gashay kaalimaha hore, kaas oo heli doona qiimeyd gaar ah.

Wasaaradda waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay Imtixaanka galeen  34,469 oo ardayda,balse waxaa u fariisatay in  ku dhow 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray Imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada guud ee baastay Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%,Waxaa ku dhacday  Imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday Imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay Imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa ku  dhacday Imtixaanka shahaadiga .

2 – Deegaanada Galmudug 7 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

3 – Deegaanada Jubbaland 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

4 – Deegaanada Hirshabelle 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga.

5.Gobolka Banaadir waxaa dhacday 1100 arday.

Ciidamada Galmudug oo howlgallo ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa dilay laba xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-shabaab,kadib markii ay weerarro qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Argagixisada  degaanka Burujeed oo ku dhow degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in howlgalkaas cagta lagu mariyay goobo badan oo ay argagixisadu dadka ku dhici jireen, firxadkooduna lagu raad joogo.

Sidoo kale, howlgallo ay iska kaashanayaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah oo hubkooda qaatay ayaa waxay ka soconayaan degaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlagalladan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda waxbarashada oo faahfaahin ka bixisay shaacinta natiijada Imtixaanaadka

Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa maanta ku dhawaaqeysa natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyadeedka 2021/2022  ee fasalka 12-aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS ,Maxamed Caabbi Xasan oo wareeysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay shaacinta natiijada Imtixaanaadka iyo sida ay Ardayda baasta ugu fududeeyeen ku biirista Jaamacadaha Dalka.

Agaasiamaaha ayaa sheegay in Imtixaanka sanadkan ay u fariisteen Arday ka badan 35,000 oo wax ka barata inta badan gobollada dalka.

Agaasime Caabbi ayaa sheegay in aqbalaadda Jaamacaduhu ay ku xiran tahay natiijada dugsiga sare ee dowladdu oggolaato, sidaa daraaddeedna ay sida ugu dhaqsiyaha badan u siin doonaan Roll lambarka Ardayda guuleysata, si ay usii wataan waxbarashada heerarkeeda kale.

Maxamed Caabbi Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay inay Jaamacaduhu kala hadleen in loo fududeeyo Ardayda iyagoo kala soconaya Online-ka maaddaama uu jiray gaab yar oo laba Isbuuc ah.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta caafimaadka Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay  horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan oo uu hal ku dhiggiisu ahaa “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” ayaa waxaa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo  ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada,  iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.

Shirkan oo ahaa mid miro dhal ah ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed.