Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.

Wasiirka iyo safiirka ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Golayaasha deegaanka ee dalka. Wasiirka arrimaha gudaha ayaana sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada uu Mareykanku u muujiyay Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr.bLarry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xureynta dhulalka cusub iyo xoojinta maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.