Dowladda Ingiriiska oo deeq lacageed siisay Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska  ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka.

Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane ,Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.

Danjire, Kate Foster ayaa tiri “Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxday Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed’.

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhismaha Ciidanka xoogga dalka, iyadoo tababar siisay tan iyo 2016-kii in ka badan 2000 Askari.

Xalku waa in si wadajir ah loogu gurmado dadka barakacayasha ah (faallo)

Marka loo eego tobankii sano ee u dambeeyay dalka Soomaaliya waxaa ka jiray abaaro sababay macluul oo ay keneen roobab yarida,hasa yeeshee labadii sano ee u dambeysay waxaa dadka soo gaaray barakac xoogan oo dhaliyay in kumanaan dad ah ay u yaacaan magaalooyinka waaweyn,kadib kolkii ay  meesha ka baxeen xoolihii iyo beeerihii ay ku tiirsanaayeen

Labadii bilood ee u dambeysay waxaa soo kordhay qeylo dhaan ku aadan abaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha qoysas badan,kadib markii dad iyo xoolaba ay ku dhinteen macluusha ka jirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfurta oo la tilmaamayo in ay ugu badan tihiin waxyeelada abaaraha.

Halista abaaraha ayaa haatan la tilmaamayaa in ay mareyso meel qatar ah,waxaana jira isku dayo iyo dadaallo ay wadaan dowlad goboleedyada,inkastoo baaxadda macluusha ay ka weyn tahay waxqabadka laga filan karo mamuladaasi.

Hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa dhowr bil ka hor qiray abaaraha ka jira Soomaaliya iyo saameynta barakaca ee ay ku yeesheen inta badan dadka gobolada,waxayna ka digeen in haddii aan la sameyn gurmad bini’aadanimo ay suurtagal tahay in dad gaaraya 7-milyan ay ku barakacaan abaaraha jira.

Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh,dad badan oo ku soo barakacay Muqdisho iyo deegaanno kale,waxay ay heleen kaalmooyin wax ku ool ah oo soo celiyay noloshooda,waxaana loo baahan yahay in iyadoo la eegayo kororka barakacayaasha,loo istaago waxqabad dhab ah oo ka yimaada dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Illaa hadda waxaa gaabis ah oo aan muuqan kaailintii looga bartay hey’adaha samofalka caalamiga ah iyo dadka samofalayaasha ah ee Soomaaliya,waxaana suurtagal ah in haddii la helo gargaar ,kumanaan ruux oo ku soo jabay kaamam ku yaalla magalada caasimadda ama gobolada kale ay ka badbaadi karaan qatarta iyo halista ay la ymaadeen abaaraha .

Haddaba,iyadoo laga duulayo kulamada madaxda ee muujinaya wax ka qabashada iyo  saameynta abaaraha ,Waxaa waajib ah in qof kasta oo Soomaali ah uu gacan ka geysto la tacaalidda iyo gurmadka loogu jiro ururinta dhaqaale lagu kaalmeeyo barakacayaasha oo maalinba maalinta ka dambeysa ku soo quoqulaya xarumaha dowlad goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho.

“Maanta waxa ay taagan tahay  halis, wax inoo dhiman ma jiraan,umadda Soomaaliyeedna waa in ay isu gurmadaan,sidaasi waxaa yiri” R/wasaaraha XFS Xamsa CAbdi Barre oo la hadlay dadka wanaagga jecel ee diyaarka u ah in ay samatabixiyaan barakacayaasha la ildaran saameymta abaaraha.

Madaxda Dowladda Soomaaliya,iyagoo ka walaacsan xaaladda abaaraha ee xilligaan,waxa ay ku baaqeen in qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadka degdegga ah ee loogu yaboohayo barakacayaasha.

Si gaar ah ,waxaa loogu baaqay hey’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo dowladaha dunida inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ku hawlan arrimaha degdegga ah ee bini’aadanimada.

Xalku waxa uu ku jiraa in si wadajir ah loogu gurmado dadka barakacayasha ah,,isla markaana aan la isku halleyn kaalmo bini’aadanimo oo laga yaabo in bilooyin kadib ay soo gaaraan dalka.

Shire Xasan

WASAARADDA CAAFIMAADKA XFS OO KU GUULAYSATAY HOGGAANKA GUDDIGA AFRIKA

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka dulshada  ee XFS ayaa ku  guuleystay  hoggaanka guddiga Africa ee CDC ee heerka wasaaradeed isla markaanna ay xubno ka yihiin waddamo badan oo Africa ah , kadib tartan adag iyo olole xooggan oo dhowaan ka dhacay dalka Tansaaniya.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Buraale] oo Soomaaliya  ku matalayay Shirka lagu dooranayay hoggaanka cusub ayaa dedaal dheer iyo olole ballaaran geliyay in ay Soomaaliya madax ka noqoto guddigan .

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Africa , waa hay’ad farsamo oo Midowga africa u qaabbilsan inay ka caawiso dawladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku ogaanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta, iyo siyaasadooda.

Taasi oo lagu  gaari kara  iyada oo la horumarinayo awoodda xirfadlayaasha caafimaadka dadweynaha iyo kaalmada farsamo ee la siinayo waddammada ay soo food saartay walaacyo caafimaad oo murugsan.

LAAMAHA AMAANKA OO GACANTA KU DHIGAY NIN LAGU EE DEEYAY INUU DILAY GABAR ARDAYAD AH

Taliyaha qeybta galbeed ciidanka Booliska gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysane la tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka gabar Ardayad ahayd.

“Waa ilaahay mahaddiis inaan caawa gacanta kusoo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir , oo Mobile dartiis u dilay Hibo Qaasim Maxamed oo Ardayad ahayd ka qalin jebisay dugsiga sare, farxad ayay ku sugnayd , laakiin wuxuu ugu beddelay ciddii dhashay murugo ” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliye Ganeey ayaa sheegay in tuhmanuhu ay u gudbin doonaan xarunta CID-da, si loo mariyo baaritaanno dheeri ah, waloow buu yiri uu isaguba yahay qiraal dembigii uu geystay.

Faa’iso Maxamed Abuukar, oo ah hooyada Hibo Qaasim ayaa u mahad celisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed dedaalkii ay sameeyeen, waxanay intaa ku dartay in Jeylaani uu hadda ka hor weeraray Hibo gabadha ka yar balse ay ka badbaadday.

Hibo Qaasim Maxamed oo dhowaan lagu dilay degaanka Ceelasha biyaha ayaa ka mid ahayd Ardaydii ku baastay Imtixaanka fasalka 12-ee ay shaacisay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliibta sare.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo shir la qaatay madaxda shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xarunta wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay madaxda shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Ugu horeyn Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey shaqada ay shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka.

“Sida aan la socono adduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahan tihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan, waa fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri wasiir Jaamac.

Madaxda Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa ka mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.

Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.

     

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Qeybya Isku-dubbaridka Mashruuca Biyoole ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka,Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo  agaasimayaasha, ayaa la kulmay Qaybta Isku-dubbaridka Mashruuca Biyoole, iyada oo warbixin laga siiyay marxaladaha kala duwan uu soo maray Mashruucan, hawlaha socda, iyo sidoo kale waaritanka mashruuc a. warbixinnada joogtada ah ee loo jeedinayo madaxda cusub ee Wasaaradda waxey  qeyb ka tahay dar-dargalinta shaqooyinka kala duwan ee socda.

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii hore ee maanta laba Gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ka ka soo ridday xeebaha galbeed ee dalkasi.

Ilo-wareedyo ka tirsan Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Gantaaladan laga soo riday magaalada xeebeedka Oncheon.

Sidokale Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Pyongyang, ay laba Gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku soo ridday, kuwaasi oo laga soo ganay magaalada Oncheon ee Koonfurta Pyongyang.

Xukuumadda Seoul, ayanan bixin wax faafaahin ah oo ku saabsan waxyeelada ay geeysteen Gantaalada.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu aanu doonayn isbeddel qasab ah oo ka dhaca Kuuriyada Waqooyi, isla markaana wada-hadallada lala yeelanayo Kuuriyada Waqooyi aysan noqonin muuqaal siyaasadeed, balse ay tahay in ay gacan ka geystaan ​​sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka.

Madaxweyne Yoon Seok-yeol, ayaa Khudbad uu jeediyay maalintii 100-aad ee uu xafiiska joogo, ku sheegay in Pyongyang ay u wanaagsantahay inay bilowdo baabi’inta Nukliyeerkeeda si ay u hesho kaalmo dhaqaale oo ballaaran.

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale, ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab.

Muddu kooban oo uu halkaasi dagaal ka socday ayay Ciidamada ku dileen ku dhawaad 10 ka mid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in laga dhaawacay ku dhawaad 15 kale.

Ciidanka xoogga ayaa sidookale Gacanta ku soo dhigay Saanad Ciidan, iyaga oo burrburiyay dhamaanba goobihii ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka.

 

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray dilal ka dhacay duleedka Matabaan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaanno hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaan ayaa xal ka gaaray dilal ay sababeen Annoying qabiil oo muddooyinkii danbe kajiray duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka degaanka ayaa u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii ka qeeyb qaatay xalinta colaadan, si gaar ahna waxay ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qaatay masuuliyadii waxii dhacay oo dhan.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal la xiriiray annoying qabiil ay ka dhacayeen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ugu danbeeyn xal lagag gaaray.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska ah, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga. Wasiirku waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.