Xalku waa in si wadajir ah loogu gurmado dadka barakacayasha ah (faallo)

Marka loo eego tobankii sano ee u dambeeyay dalka Soomaaliya waxaa ka jiray abaaro sababay macluul oo ay keneen roobab yarida,hasa yeeshee labadii sano ee u dambeysay waxaa dadka soo gaaray barakac xoogan oo dhaliyay in kumanaan dad ah ay u yaacaan magaalooyinka waaweyn,kadib kolkii ay  meesha ka baxeen xoolihii iyo beeerihii ay ku tiirsanaayeen

Labadii bilood ee u dambeysay waxaa soo kordhay qeylo dhaan ku aadan abaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha qoysas badan,kadib markii dad iyo xoolaba ay ku dhinteen macluusha ka jirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfurta oo la tilmaamayo in ay ugu badan tihiin waxyeelada abaaraha.

Halista abaaraha ayaa haatan la tilmaamayaa in ay mareyso meel qatar ah,waxaana jira isku dayo iyo dadaallo ay wadaan dowlad goboleedyada,inkastoo baaxadda macluusha ay ka weyn tahay waxqabadka laga filan karo mamuladaasi.

Hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa dhowr bil ka hor qiray abaaraha ka jira Soomaaliya iyo saameynta barakaca ee ay ku yeesheen inta badan dadka gobolada,waxayna ka digeen in haddii aan la sameyn gurmad bini’aadanimo ay suurtagal tahay in dad gaaraya 7-milyan ay ku barakacaan abaaraha jira.

Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh,dad badan oo ku soo barakacay Muqdisho iyo deegaanno kale,waxay ay heleen kaalmooyin wax ku ool ah oo soo celiyay noloshooda,waxaana loo baahan yahay in iyadoo la eegayo kororka barakacayaasha,loo istaago waxqabad dhab ah oo ka yimaada dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Illaa hadda waxaa gaabis ah oo aan muuqan kaailintii looga bartay hey’adaha samofalka caalamiga ah iyo dadka samofalayaasha ah ee Soomaaliya,waxaana suurtagal ah in haddii la helo gargaar ,kumanaan ruux oo ku soo jabay kaamam ku yaalla magalada caasimadda ama gobolada kale ay ka badbaadi karaan qatarta iyo halista ay la ymaadeen abaaraha .

Haddaba,iyadoo laga duulayo kulamada madaxda ee muujinaya wax ka qabashada iyo  saameynta abaaraha ,Waxaa waajib ah in qof kasta oo Soomaali ah uu gacan ka geysto la tacaalidda iyo gurmadka loogu jiro ururinta dhaqaale lagu kaalmeeyo barakacayaasha oo maalinba maalinta ka dambeysa ku soo quoqulaya xarumaha dowlad goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho.

“Maanta waxa ay taagan tahay  halis, wax inoo dhiman ma jiraan,umadda Soomaaliyeedna waa in ay isu gurmadaan,sidaasi waxaa yiri” R/wasaaraha XFS Xamsa CAbdi Barre oo la hadlay dadka wanaagga jecel ee diyaarka u ah in ay samatabixiyaan barakacayaasha la ildaran saameymta abaaraha.

Madaxda Dowladda Soomaaliya,iyagoo ka walaacsan xaaladda abaaraha ee xilligaan,waxa ay ku baaqeen in qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadka degdegga ah ee loogu yaboohayo barakacayaasha.

Si gaar ah ,waxaa loogu baaqay hey’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo dowladaha dunida inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ku hawlan arrimaha degdegga ah ee bini’aadanimada.

Xalku waxa uu ku jiraa in si wadajir ah loogu gurmado dadka barakacayasha ah,,isla markaana aan la isku halleyn kaalmo bini’aadanimo oo laga yaabo in bilooyin kadib ay soo gaaraan dalka.

Shire Xasan